0
77

Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa, Masuuliyiinta Har’adda UNFPA oo booqday Machadka Barashada Culuumka Caafimaadka ee Hargaysa oo ay si dhaw u wada shaqeeyaan, kana taageeraan qaybaha umulisada.

Kulankan booqashada ah ayaa waxa diirada lagu saaray waaxda ay Hay’adda UNFPA ka taageerto Machadka, taasi oo ah qaybta umulisada, waxaana aad loogu lafo guray, maxaa caqabad ah ee ka jirta qaybta umulisada, tirade ardayda baranaysa hadda qaybta cilmiga umulisada iyo qaabka lagu soo xulo ardaydaa.

Kulankan waxa iska xog-waraystay arrimaha ku saabsan qaybta umulisada ee Machadka masuuliyiinta Hay’adda UNFPA iyo Agaasimaha Machadka Barashada Culuumta Caafimaad ee Hargaysa.

Haddaba Machadka Culuumta Caafimaadka ee Hargaysa oo qayb ka ah Wasaarada Horumarinta Caafimaadka, ayaa waxaa maanta booqasho xog waraysi ah ugu yimid Madaxda hay’adda UNFPA oo wada shaqayn dhow la leh Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, si gaar ahna u taageerta Machadka Culuumta Caafimaadka qaybtiisa umulisada.

Kulan is xogwaraysi ah oo ka dhacay Xafiiska Agaasimaha Machadka Culuumta Caafimaadka ee Hargaysa mudane Xussen Jaamac Koosaar, oo ay goobjoog ahaayeen Masuuliyiin ka socda Hay’adda UNFPA ,Maamulka iyo madax qaybeedyada Machadka Culuumta Caafimaadka ayaa lagu lafo-guray

  • Ardayda Ka baxday Mihnada umulisanimada sanadkii u dambeeyay
  • Habka ardayda umulisooyinka cusub loo soo xulo iyo caqabadaha ka jira in la isla eego carqaladahaas sidii looga gudbi lahaa.
  • Numberka umulisooyinka imika ku jirta ee ay UNPFA u gacanta ku hayso.
  • Xal uraadinta Ardaydii umulisanimada dhamaystay hawlgalintooda, in loo

Diyaariyo manhaj ka sareeya kii ay qaateen. (degree level)

. In la dardar galiyo hawlahii hore ee socday iyo in qorshayaal cusub oo laga baxo caqabadaha jira la abuuro

. In tobabaro (CPD) courses macalimiinta loo raadiyo si kor loogu qaado tayadooda aqooneed.

.Tobabar bilaabmaya dhawaan in schoolku soo gudbiyo macalimiintii uga qayb gali lahayd.

Intaa ka dib Waftiga iyo maamulka ayaa si wada jir ah kormeer ugu soo maray iskuulka iyo qaybihiisa kala duwan, iyagoo kula kulmay hawlwadeenadii iyo macalimiintii oo gudanaya hawl maalmeed koodii, Gebagebadii waxaa la isla qaatay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee machadka culuumta Caafimaadka Iyo Hay’adda UNFPA.