Maxkamadda Gobolka Saaxil oo Xukuntay Haween Khamri Lagu Soo Qabtay

0
125

Berbera (Dawan) Maxkamadda gobolka Saaxil ayaa burburisay 58 xabo oo Khamri ah, waxaaney xukun ku riday eedaysaneyaashi lagu soo qabtay.

Khamrigan waxa soo qabtay Ciidanka booliska magaalada Berbera, gaar ahaan ciidanka saldhiga Wada-jir iyo ciidanka Xuuraanka oo iskaashana.

Garsoorihii xukunka ku riday ayaa sheegay in Caasha Cabdi Maxamed ina Canab Nuur 40-jir ah lagu xukumay 5 sano xadhiga iyo Ruqiya Jaamac Axmed ina Xaawo Cali 55-jir ah, lagu xukumay 7 sano oo xadhig ciqaabeed ah.

Geesta kale warka ka soo baxay taliska booliska ciidanka Berbera ayaa lagu sheegay in dhammaan la burburiyay 58 xabo ee khamriga ahaa, waxaanay wadayaasha baabuurta uga digeen in aan lagu soo dhex dhuuman ee ay iska ilaaliyaan.

Gaba-gabadii waxa uu Taliska Ciidanka Booliska JSL digniin u diray dadka caadaystay ka ganacsiga Maandooriyayaasha Khamriga iyo Xashiishada, waxaanu ku booriyay inay ka waantoobaan.