Wasiirka Qorshaynta Qaranka JSL, oo Nayroobi kula Shiray Qaadhaan Bixiyeyaasha Caalamka

0
86

Qore: Khadar M.Xaashi

Nayroobi (Dawan) Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya, deeq bixiyayaasha Somaliland kala shaqeeya arrimaha horumarka, iyo kuwo cusub oo dhawaan kusoo biiri doona maalgelinta horumarka Somaliland.

Waftiga ayay kulamadaasi ugu soo dhamaadeen guul iyo is-afgarad ku saabsan horumarka Somaliland, gaar ahaana mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Geesta kale mudadii kulankani socday waxa ay waftiga wasiirka iyo qaadhaan bixiyayaashu kawada hadleen, Kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo yaraynta saboolnimadda oo ay ugu horreeyaan maalgelinta horumarinta xoolaha, beeraha, kalluunka iyo ganacsiga la xidhiidha.

Waxaa kale oo kulanka lagu gorfeeyay Horumarinta khayraadka biyaha, maalgelinta kaabayaasha oo ay ka mid yihiin tamarta la cusboonaysiiyo iyo waddooyinka iyo isbedelka cimilada iyo cagaarinta deegaanka

Waftiga ayaa sii wada hawlaha shaqo ee ay u joogaan wadanka Kenya, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiin kala gadisan.

Masuuliyiinta Safaaradda Somaliland ee dalka Kiiniya ayaa iyagu u gogol xaadha wefti kasta oo ka socda Somaliland kuwaasi oo u socda arrimaha horumarinta Qaranka, si loo gaadho ujeedada iyo yoolka uu dalkani hiigsanayo.