“Somaliland Waxa ay Isfahamka Itoobiya ka Helaysaa Wixii ay Doonaysay oo ah Aqoonsi”

0
76

“Sidoo kale aqoonsigu wuxuu u sahlayaa la macaamilka hay’adaha maaliyadda iyo kor u qaadista kaalinteeda Gobolka”

 

Prof. Aleksi Ylönen oo wax ka dhiga Jaamacada Internatiolnal University ee dalka Maraykanka

 

 

Qore: Cumar M. Faarax

Hargeysa (Dawan)- Prof. Aleksi Ylönen oo ah barre sare oo wax ka dhiga jaamacadda Internatiolnal University ee dalka Maraykanka, ayaa warbixin dheer kaga faallooday Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland ay raadinaysay 33kii sannadood ee la soo dhaafay.

Prof. Aleksi Ylönen, wuxuu warbixintiisa ku sheegay inay Somaliland oo Ingiriisku xornimo siiyay 26kii June 1960-kii, kadib markii uu soo afjaray xukunkiisii Somaliland uu ku qabsaday 1884kii, waxana uu tilmaamay inay Somaliland iskeed ula midowday Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray 1-dii July 1960kii.

Khabiirku wuxuu iftiimiyay in midowgii Somaliland la gashay Soomaaliya aan marnaba la ansixin,iyadoo midowgaasi uu ugu dambayntii burburay. “33kii sannadood ee la soo dhaafay markii Somaliland ay xornimadeedii la soo noqotay sannadkii 1991kii, waxa ay Somaliland lahayd lahayd goleyaashoooda wakiillada, waxayna xoojiyeen inay waafaqsan yihiin xudduudihii gumaystuhu ka tagay oo ah summada Afrika ay ku shaqeyso wixii ka dambeeyay gumaytihii. Somaliland waxa ay leedahay nidaam siyaasadeed oo dumuqraadi ah oo ka duwan dalalka ay jaarka yihiin,”ayuu yidhi Aleksi Ylönen.

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Somaliland waxa ka qabsoomay doorashooyin guulaystay, kuwaasi oo xukunka loola kala wareegay si nabdoon. Waxana ka tisqaaday xasilooni ay dadkeedu gacanta u weyn ka geysteen.”

Prof. Aleksi Ylönen wuxuu sheegay dhawr dal ay ku leeyihiin wakiillo diblomaasiyadeed caasimada Hargeysa, halka Somaliland ay 20 dal oo shan qaaradood ku kala yaalla ku leedahay xafiisyo ganacsi.

Sidoo kale, wuxuu bayaamiyay in dawladda Soomaaliya ay gaashaanka ku dhufato heshiisyada ay Somaliland la gasho dalalka adduunka, iyadoo Somalilandna hore ugu eedeysay Soomaaliya inay kaalin ku leedahay colaadii ka dhacday bariga dalkeeda.

“Waxa Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi 1-dii bishii hore ee January ay kala saxeexdeen is faham, kaas oo qorshuhu yahay inay Somaliland xeebteeda ka kirayso 20km Itoobiya, halka Somaliland-na ay dhaafsatay in Itoobiya aqoonsato qarannimada madax-bannaanida Somaliland,”ayuu yidhi Aleksi Ylönen.

Wuxuu ku dooday in horeba Somaliland ay heshiisyo macdan baadhis ah, kuwo shiidaal qodis ah, casriyaynta dekedda Berbera iyo heshiisyo kaleba ay ula gashay dalal iyo shirkado kala duwan. wuxuuna intaas ku daray in Itoobiya iyo Somaliland xidhiidhkoodu soo jireen yahay oo Itoobiya ay saldhig siisay siddeetamaadkii dhaqdhaqaaqii ururkii SNM ee riday taliskii Siyaad Barre.

“Isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, waxa ku jira in Itoobiya ay qiimeyn qoto-dheer ku samayso madax-bannaanida Somaliland, sidaasna ay ku noqoto dalka u horreeya ee xubinta ka ah qarammada midoobay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland. Waxana Somaliland ay isfahamka Itoobiya ka helaysaa wixii ay doonaysay oo ah aqoonsi, kaasi oo u sahli doona inay Hay’adaha maaliyadda la macaamisho iyo inay kor u qaado kaalinta ay ku leedahay Geeska Afrika.

Prof. Aleksi Ylönen wuxuu ku dooday in Somaliland oo doorashooyinkeedu dib u dhaceen, dabayaaqada sannadkan 2024ka ay ka qabsoomi doonto doorashadii madaxtooyada, taasi oo suurtogal ka dhigi karta inay fursad dib loogu soo doorto ay u noqoto madaxweynaha talada haya ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, maadaama oo Somaliland heshay aqoonsi caalamiya oo ah wixii ay doonaysay muddada dheer.