Qormada Labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa Cunooyinka halista ku ah qofka ay dawo u socoto ama qaata.
Inta aynu ku ku jirno qormadeena labaad waxa aynu wax badan ka sharixi doonaa, ma jiraan cuntooyin khatar galin kara caafimaadka qofka qaata dawo, haddii ay jiraan se waa kuwee, qaabkee la isaga ilaalinayaan inta ay dawadu kuu socoto, su,aalahaasi iyo kuwa kale ayaynu kaga jawaabaynaa qormadeenan labaad.
Waa arrin caadi ah in dhakhaatiirta ku nool dhulka alkahoosha lagu isticmaalaa ay bukaanka u sheegaan in ay joojiyaan inta ay dawada isticmaalayaan.
Laakiin waxaa dhif ah in dhakhaatiirtu ay ka digaan isticmaalka dawooyin iyo cuntooyin aanay fiicnayn in lala isticmaalo dawada, oo haddana si aad ah loogu isticmaalo dunida oo dhan.
Cuntooyinkan ama cabbitaannadan sababta aan loola isticmaali karin dawada ayaa ah in ay keeni karaan wadnaha oo garaaca kordhiya, dhiigga oo kaca ama dawakhaad.
Thomas Bruckner oo ah xeeldheere ka tirsan jimciyadda samaynta dawooyinka ee Federaalka Jarmalka ayaa dadka dawooyinka joogtada ah qaata kula taliyey in ay ka fogaadaan cabitaannada bunka, shaaha iyo caanaha. Gaar ahaan inta ay dawadu jidhka la falgelayso. Thomas waxa uu intaas ku daray in cabbitaanka loo isticmaalo cunista dawadu uu kaalin muhiim ah ka qaato waxtarka dawada iyo khatarta ay keeni karto labadaba.
Caanaha
Waxa uu sheegay in caanaha oo jidhka faa’iidooyin badan u leh, haddana ay ka mid yihiin cabbitaannada ay tahay in aan lagu cunin dawada, tusaale ahaan kiniinka lagu liqin ama sharoobada mar lala cabbin. Sababtuna waa maaddooyinka ku jira caanaha oo marmarka qaarkood jidhka ku adkeeya in uu milo ama burburiyo maaddooyinka kiimikaad ee dawada qaarkood, gaar ahaan dawooyinka Anti-baayootigga loo yaqaanno. In jidhku uu maaddooyinkaas nuugi kari waayaana waxa ay keenaysaa in dawadu ay qashin qubka jidhka ka baxdo iyada oo aanu jidhku sidii la rabay uga wada faa’iidaysan. Waxa kale oo iyaguna mararka qaar is diidi kara maadadda kalshiyaamta ee caanaha ku jira iyo isku dhisyada ku jira dawada.
Sidaas awgeed caanaha oo aad dawada la cabto ama ku cabtaa waxa ay keenayaan in aanay dawadu jidhka u yeelan waxtarkii laga filayey ama ay ahayd in ay u yeelato.
Bunka iyo shaaha:
Bunka iyo shaaha waxaa ku jira maadadda Kaafiyeenta oo jidhka ku abuurta firfircooni dheraad ah. haddaba waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in firfircoonida uu bunku keenaa ay sida oo kale dhiirrigeliso habdhiska neerfeed ee qofka, taasina ay keento in ay dhacaan isla falgallo aan fiicnayn oo uu jidhku la sameeyo dawada. Natiijada ka dhalataana ay noqoto warwar ama dareen naxdin u eeg oo uu qofku isku arko, wadnaha oo garaaciisa uu isbeddel ku arko iyo dhiigga oo kaca.
Liin Bambeelmo:
Xeeldheereyaashu waxa kale oo ay diideen in dawada lala qaato ama lagu dhex qaato sharaabka liinta nooca Bambeelmada loo yaqaanno. Waxa aanay sababta ku sheegeeen isku-dhisyada loo yaqaanno Furocoumarin iyo flavonoids oo ku jira liintan. Labadan isku dhisba faa’iidooyin badan ayaa ay jidhka u leeyihiin. Laakiin baadhitaannada caafimaad ee lagu sameeyey waxa ay caddeeyeen in haddii ay maaddooyinkani la falgalaan dawooyinka in ay sababaan in uu joogsado ama xayirmo Ensiimka oo caawin lahaa milanka dawada.