Madaxweynaha Senegal oo doorashada dib u dhigay iyo Mucaaradka oo ka qayliyey

0
87

Madaxweynaha Senegal Macky Sall ayaa dib u dhigay doorashada bishan ka dib markii ay soo baxeen cabashooyin ku saabsan musharraxiin loo diiday inay isa soo taagaan.

Madaxweynaha labada jeer oo ku celceliyay in aanu doonayn in dib loo soo doorto, ayaa cayimin waqti cusub.

Waxa khilaaf weyn ka kacay, golaha dastuuri ah oo hor istaagay dhowr qof oo rajo ka qabay inay u tartamaan – oo ay ku jiraan siyaasiyiin magac sare leh .

Mr Sall wuxuu yidhi “xaaladahan qallafsan waxay si xun u dhaawaci karaan” codbixinta.

Waxa uu intaa ku daray in uu bilaabi doono “wadahadal qaran oo furan… si loo abuuro shuruudo doorasho xor ah, daahfuran oo loo dhan yahay si nabad ah oo Senegal ku heshiiyaan”

Musharaxa mucaaradka ayaa go’aanka madaxweynaha ee dib u dhigista doorashada ku tilmaamay afgambi dastuuri ah.

Khaliifa Sall, duqii hore ee magaalada caasimadda ah ee Dakar, ayaa dadka ku booriyay inay ka dhiidhiyaan tallaabadaas, isbahaysigiisa siyaasadeedna wuxuu ballan qaaday inuu maxkamad aadi doono.

Urur ay ku mideysan yihiin culimada diinta islaamka ayaa iyaguna ka digay in dib loo dhigo codbixinta, iyaga oo sheegay in ay halis gelineyso xasiloonida dalka.

Talaabada dib u dhaca doorashada ayaa ah mid aan horay uga dhicin dalka loo arko in uu ka mid yahay wadamada ugu xasiloon dimuqraadiyadda gobolka Galbeedka Afrika.

War qoraal ah oo ay soo saareen Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (Ecowas) ayay ku muujiyeen sida ay uga walaacsan yihiin xaaladda.

Waxa ay sidoo kale ku boorisay “Masuuliyiinta awooda u leh in ay dardargeliyaan howlaha kala duwan”, si loo muddeeyo waqti cusub oo la qabanayo doorashada.

20 musharrax ayaa sameeyay liiska ugu dambeeya, laakiin kuwa ugu caansan ee laga saaray codbixinta asalka ah, ee loo qorsheeyay 25-ka Febraayo, waxaa ka mid ah siyaasiga mucaaradka Ousmane Sonko.

Sonko ayaa loo mamnuucay sababta oo ah xukun aflagaado ah. Sonko oo dhowr kiis oo maxkamadeed soo wajahday ayaa sheegay in uu dhibane u noqday olole lagu joojinayo in uu u tartamo madaxweynenimada.

Karim Wade, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore, ayaa sidoo kale laga hor istaagay inuu ka qeyb qaato, sababta oo ah waxaa lagu eedeeyay inuu haysto dhalashada Faransiiska iyo sidoo kale inuu yahay Senegalese. Waxa uu ku tilmaamay eedeynta mid fadeexad ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.