“Dhuxul-dhagax way ku jirtaa dalkeenna laakiin waxay u baahan tahay baadhitaan iyo tacab fara badan Waayo? Carbon monoxide ayay leedahay”…

0
139

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qaybtii saddexaad ee warbixintii ay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,  ay 29-kii bishii December ee sanadkii ina dhaaftay ka hor jeedisay golaha Guurtidda Somaliland.

Qaybtan saddexaad ee hadal jeedintii wasiirka deegaanka waxaynu ku soo qaadan doonaa jawaabihii wasiirka ee su’aallo kala duwan oo ay mudaneyaashu ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee wasaaradda iyo wasiirka oo ka warbixinaysa qaabka ay wasaaradu uga hawl gasho goboladda dalka ee ay xafiisyadda ku leeyihiin.

Iyadoo qaybta hore ee qormadeenan aan ku soo qaadan doono warbixinta wasiirka deegaanka ee la xidhiidha sida ay uga hawl gasho wasaaradu goboladda dalka iyo heerka wacyigelinta bulshadda ee ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale qaybta labaad ee qormadeenan waxaan ku soo qaadan doon doonaa su’aalihii ay xildhibaanadu wasiirka waydiiyeen iyo jawaabihii ay ka bixisay, sida waxyaabaha ay ka qabatay la dagaalanka xaalufinta deegaanka, dhuxulaysiga, ka ganacsiga sharci darradda ah ee duur joogta, ka hor tagga jarista dhirta, deegaamaysiga, xidhista seereyaasha dhul daaqsimeedka ah iyo arrimo kale.

Wasiir Shukri Baandare, oo ka warbixinaysay tiradda goboladda dalka ee ay xafiisyadda ku leedahay wasaaradda deegaanku waxay tidhi, “Haddii aad kaga soo qabato gobolka Sanaag, xafiiskoodii oo isku dheeli tiran, ilaa baabuurtoodii ay haystaan. Marka aad isku darto Sanaag, iyadda iyo degmooyinkeeduba aad iyo aad ayay u wanaagsan yihiin. Oo ay u haystaan wixii tabartayadda ah ee ay u baahnaayeen. Ama baabuur ha ahaato ama xafiisyo ama kirro laga bixinayo, ama ha ahaato lacagtii ay ku shaqaynayeen ama lacagtii ay shaqaaluhu qaadanayeen.

Waxa kaloo ay u dhamaystiran tahay Sool, xafiiskoodii, baabuurkoodii, mushaharkoodii iyo shaqaalahoodii iyo lacagtay ku shaqaynayeen. Togdheer na waa la mid. Sheikh waa la mid. Saaxil waa la mid. Maroodijeex waa la mid, meel walba wixii ay ku shaqaynayeen ee aasaaska ahaa maanta way wada haystaan. Xafiisyaddii way u wada dhisan yihiin. Gabiley, Boorama, Saylac,. Saylac ayaanu imika baabuur ugu tallo gelaynaa. Labadda ku soo xigaana waa Hawd iyo Saraar. Oodweyne way haystaan baabuurkoodii laakiin, xafiiskoodii ayaanu u wadnaa”.

Sidoo kale wasiir Shukri Baandare, waxay ka hadashay heerka wacyigelinta bulshadda ee ilaalinta deegaanka. “Dadkana wacyigoodu uu kor u soo kaco, oo ay ogaadaan in waxa laga hadlayaa ay tahay wax rasmiya,  oo aanay been ahayn. Abaarro ayaynu soo marnay… waynagaa arkayna waxaa la iibsanayaa xayawaankeenii. In ay ogaadaan waaqica jira. Geedka la goynayaa aafadda uu leeyahay in ay ogaadaan”ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland.

Geesta kale  wasiirka ayay xildhibaanadu waydiiyeen su’aalo la xidhiidha arrimaha ilaalinta deegaanka, iyadoo wasiirkuna si faahfaahsan uga jawaabtay dhamaanba su’aalihii ay xildhibaanadu waydiiyeen.

Su’aal:  ahayd sababta loo isticmaali waayay Dhuxul-dhagaxda oo dalkeena laga hello, haddii ay wadankeena Dhuxul-dhagax ku jirto, maxaynu ula soo bixi waynay, taasi ayaa inoo noqon lahayd tamar aynu isticmaalnee?

Jawaab:  “Waa run oo Dhuxul-dhagax way ku jirtaa dalkeenna. Laakiin, waxay u baahan tahay baadhitaan sida Baatroolka oo kale ah. Sida loo baadho Baatroolka iyo Macdanta in loo baadho ayay u baahan tahay. Taasina waxay u baahan tahay, in dad dibadda ka yimaadda oo maalgashadda ay baadhaan, sida shirkaduhu ay u imanayaan, ee ay u eegayaan. Khayraadka ayay ka mid tahay Dhuxul-dhagaxdu.  Markaa waxay u baahan tahay tacab fara badan iyo xoolo fara badan oo lagu soo saarro. Waayo? Iyadu (Dhuxul-dhagaxda) dhulka hoostiisa ayay ku jirtaa, Carbon monoxide ayaanay leedahay.

Waana in laga saaraa carbon monoxide ka,  haddii aan laga saarin carbon monoxide ka lama shidan akrayo. Carbon ka ku jira ama qiiqa ka soo baxa Xaabadda ama geedka aynu shidanno iyo ka ku jira Dhuxul-dhagaxdu way kala duwan yihiin, waanay kala xoog badan yihiin. Mid waliba marka la shido waxay leedahay sun gaara. Laakiin, way kala khafiifsan yihiin.

Markaa taasi waxay u baahan tahay wakhti iyo in juhdi badan la geliyo, si loo soo saarro”.

Su’aal: Muxuu yahay qorshaha wasaarada deegaanka ee wax ka qabashadda dhulka la iska xidhanayo, ee beeraha laga dhiganayo?

Jawaab: “Seereyaasha, imika ta aanu khaatiga ku kala joognaa maaha, dhulka Miyiga ah ee xooluhu daaqayeen. Waa Seeraah dhexdiisii ta aanu dadka isku haysanaa, maanta meesha lagu yidhaahdo Togdheer. Waa Seeraha gudihiisii ta uu qof leeyahay anigaa deganaa, ama awoowgaybaa deganaa.

Haddii la yidhaahdo seerihii ummadu wada lahayd anigaa leh. Ma shaqaynayso taasi. Marka meel lagu dhego, odayaashiibaa daba socda. Idinkaa Guurtidii ahe, odayaashan waxaad ku tidhaahdaan qofkan sharci darradda wax ku doonaya ha soo raacina. Imikana way ka tagtay, oo waxay taagan tahay haddii aanu nahay reer hebel, seerrahaa anagaa leh.

Waa in la fahmo in waxani ay yihiin wax ummadda ka dhexeeya. In aan loogu Garrabayn, oo qof loogu gar qaadin maxkamad iyo dibad midnaba, waxay ummaddu wada leedahay. Taasina waa caqabad jirta ama ina haysata”.

Su’aal: mar wax laga waydiiyay in ay jiraan ciidamo ilaaliya deegaanka, ee loo yaqaano forestry guard,

Jawaab:  “Maanta ayay ugu badan yihiin ciidamadda ilaalinta deegaanka iyo duur joogtu. Ugu yaraan waa 600, oo askari. Laakiin, kuma filna. Waayo? Dhulka la ilaalinayo ayaa ah dhul aad u weyn, oo balaadhan. Sanadihii 2019-kii iyo 2020-kii, waxaa gacanta la saaray 53 qof oo shaqaalahayga ka mid ah, oo mid walba uu dhakhtar la galay nabarka lagu dhuftay. Markaa sow ma arki kartaan in dagaal naga dhexeeyo anaga iyo dadkii.  Waxa la isku dilayaana waa sharcigii. Waxan sharcigu ma ogola iyo gacantayda Ayaan ku fushanayaa”.

Su’aal: Haddii aad Dhuxushii mamnuucdeen, maxay dadka danyarti ahi shidanayaan?

Jawaab: “Waxaa jira Gir-gireyaal Dhuxusha beekhaamiya (madhxiya), oo  ka jaban Gaasta, oo Gir-giruhu qiime ahaan xataa aanu $2 dollar ahayn. Laakiin, muddo dhan ku haynaya, oo Dhuxushana 50% beekhaaminaya.

Waxaa jira Gir-gireyaashaasi, oo dalkeenna yaalla, oo dadka danyarta ahi ay heli karaan.

Laakiin, waxaa la is waydiinayaa, halkii aynu ka soo bilawnay waa mid aad u wanaagsan. Laakiin, in aynu taa ku sii socono baynu u baahan nahay. In xaagga la saaro in dhirta la ilaaliyo, oo la beerro. Naga dhir waa nalaga helayaa, oo waanu siinaa dadka.

Laakiin, waxaa loo baahan yahay magaalooyinka in xoolaha laga saarro, dibadana in loo qaado dhirta, oo  madaxdoodu ay dhirta u qaadaan, sida badhasaabyadda iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo tuulooyinka, oo wakhtiyadda roobka aad loo beerro, oo dadkana lagu wacyigeliyo”.

Su’aal: Waxaa jirtay in nooc ka mida Libaaxyadda laga hello deegaamadda Somaliland oo ay wasaaradda deegaanku gacantu ku haysay, in lagu warejiyay dawladda Itoobiya, si ay u gayso goobaha xayawaanka duur joogta lagu xanaaneeyo, wasiirka ayaa sababta sidaasi ku dhacday waxay kaga jawaabtay.

Jawaab: “Libaaxadaa la qaadayna, ee aanu xaggaa (Itoobiya) gaynayna, waxaanu isku miisaanay in ay dhibaato gaysato, haddii ay gacanta dadka ka baxdo. Waayo? Markay dadkii hayay xagtin ku bilawday, ayaanu is nidhi, maalinta danbena, iyadoo cadhaysan ama iyadoo gaajoonaysa ayay ku dhegi, oo ay Gacan ka goosan qof.

Markaa inta aanu u helayno facility hagaagsan, iyo tababarkeedii iyo sidii loo ilaalin lahaa,  waxaanu door bidnay, intay dad dilli lahayd, in aanu gayno Bovary.

Waxaa xusid mudan, hal Harimacad oo isagu dillaa ahaa, oo aanay weli dillaanimadii ka bixin, ayaa beri dhexdaas ah ka dhacay dayrka. Markuu ka dhacayna wel-wel badan baa na galay, waayo? Wuxuu arkayaa caruurtii oo xaafadaha ku hor ciyaaraysa, xoolihii oo suuqyadda magaaladda iska maraya.

Anagoo ka wel-welsan, oo si aanu u qabano ugu yeedhay Dab-demiska, oo aanu doonaynay in ay naga caawiyaan, oo ay nala qabtaan, oo aanu ku soo celino dayrkii uu ka baxsaday, ayuu isagii dayrkii dib ugu soo noqday.

Markii aanu xajin kari waynay, ee aanu u tag-waynay, ee aanu aragnay inuu gaysanayo dhibaato weyn, oo haddii uu qof cunno laguu raacayo. Kaa qudhiisa waa la khaarejiyay (dillay), oo waxaanu is nidhi intii uu cid dilli lahaa, mar haddii aanu weli duur joognimadii ka bixin, oo isagoo yar aan la keenin, balse isagoo weyn la keenay, oo uu wax iska celinayo, Suulka gacantana uu nin askari aha aka goostay, intaa in ka weyn buu idiin gaysanayaa, ayaanu dillnay. Markaa way nagu keliftay, in aa