Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamanka Dawlada Ingiriiska oo Dawladooda kala Shiray Aqoonsiga Somaliland

0
65

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ingiriiska ahna xubin ka tirsan aqalka odayaasha, raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron oo kulan la qaatay xubno sare oo ka tirsan aqalka baarlamaanka Ingiriiska ayaa gorfeeyay kana wada hadlay, aqoonsi rasmi ah oo la siiyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay kor u sii kacayso xaaladda badda cas.

Lord David Cameron ayaa arrintan ku tilmaamay mid fursad taariikhi ah u noqonaysa wax-ka-qabadashada qulqulatooyinka iyo xaaladaha kacsan ee ay badda cas ku hayaan kooxda hubaysan ee xuutiyiintu.

Waxaana uu sheegay in dawladdiisu culays saari doonto in ay soo dhammaato 33 sanno oo maxmiyaddii hore ee Ingiriiska ee Somaliland uu saarnaa cadaadis dhinaca diblomaasiyadda ah iyo caqabado ka haystay dhanka aqoonsiga, taas oo ay sheegato dawladda ay jaarka yihiin ee Soomaaliya.

Shabakadda Daily Express ayaa ogaatay xogo ku saabsan in David Cameron fadhi la yeeshay wasiirkii hore ee difaaca dalka Ingiriiska Gavin Williamson, kaas oo keenay doodad ah in Somaliland aqoonsigeedu micno weyn ugu fadhiyo, door laxaad leh na ka ciyaari karo; wax-ka-qabashada xaaladda badda cas iyo gacanka cadmeed ee ay xuutiyiintu cakireen.

Xuutiyiinta ayaa weerarro argagixiso ku qaaday nidaamka safarka maraakiibta iyo mid ka mid ah marin-badeedyada dunida ugu waaweyn, kaas oo ay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska labadu ba si qorsheysan uga jawaabeen weerarradaasi.

Sir Gavin Williamson ayaa u sheegay Daily Express in uu aad ugu rejo weyn yahay arrinta aqoonsiga Somaliland isla markaana uu u arko in ay muhim tahay in laga eego dhanka wanaagsan.

Waxaana uu ka digay “In haddii fursaddaas Ingiriisku ka faa’iidaysan waayo ay cid kale ka faa’iidaysan doonto, isla markaana Ingiriisku waayi doono saaxiib ku yaalla dhul aad u istaraatiji ah kuwaas oo dano badani ugu jiraan Ingiriiska”

Sidoo kale xeer ilaaliyihii guud ee qaranka Ingiriiska Michael Ellis ayaa wax ka qoray arrinta Ingiriiska iyo dunida kale ba culayska lagu saarayo kiis ka aqoonsiga Somaliland.

Sir Michael Ellis ayaa yidhi “Ingiriiska oo hore ay maxmiyad ugu ahayd Somaliland, waxa uu hayaa qalinka aqoonsiga Somaliland ee dhanka qarammada midoobay, waxaana uu saamayn weyn ku yeelan karaa masiirka Somaliland ee dhanka aqoonsiga caalami ga ah.”

Sir Michael Ellis oo qoraalkiisa uu ku daabacay Daily Express sii wata ayaa yidhi “Reer galbeedku waxa ay u baahan yihiin dhammaan saaxiibbada ay heli karaan xilli ay walaac ka qabaan xasillooni-darro ka jirta adduunka, halkaana waxaa jooga saaxiib doonaya in uu caawiyo reer galbeedka iyada oo ay gobolka ku yar yihiin xulafada noocaas ahi” waxa kale oo uu sheegay in danta istaraatijiyadeed ee dawladda Ingiriiska ay ku jirto in ay aqoonsato Somaliland, taas oo keli ah na aanay ahayn ee sideeda ba ay damiir ahaan tahay waxa saxda ah in Jamhuuriyadda Somaliland la aqoonsado maadaama oo ay xaq u leedahay jiritaankeeda.

Waxaana uu sheegay in Somaliland ay tahay mid si dhow hadda ba ula shaqaysa xidhiidh na u la leh Ingiriiska amni ahaan, shaqo ahaan iyo dimuqraadiyad ahaan ba, halka Soomaaliya oo deriskeeda ah intaasi ba ka madhan tahay.

Sida uu qoray wargayska Daily Express, Somaliland waxa ay maamushaa oo leedahay xeeb dhereran 531mile oo geeska Africa ah taas oo ku dhow aagagga ay hadda Xuutiyiinta Yaman qalalaasaha ka geysanayaan. Waxaanay leedahay marsada muhiimka ah ee Berbera taas oo kaalin aan la dhayalsan Karin kaga jirta istaraatijiyadda, ganacsiga, dhaqaalaha iyo xuddunnimada marin-badeedka geeska Africa oo dalalka waaweyn ee Ingiriiska iyo Maraykanku na si weyn ugala shaqayn karaan dhanka amniga badda.

Waxa uu wargeysku intaa ku daray, in kasta oo Somaliland ay ahayd dalkii 12 aad ee qaaradda Africa ah ee xornimadiisa ka qaata gumaystaha, haddana ay dib ula midowday Soomaaliya maalmo ka dib. Waxa ay Somaliland dib goonni isugu taagtay 1991 kii ka dib. Iyada oo ay dalkii ay goonni-isu-taaggeeda kala soo noqotay ee Soomaaliya na uu noqday mid guul darraystay oo ay hoy u noqdeen budhcad-badeed iyo argagixiso.

Arrinka suurto galnimada aqoonsiga Somaliland waxa boodhka ka jafay oo kor u qaaday isfahankii ay dhawaan gaadheen dalalka Somaliland iyo Itoobiya ee dhanka adeegsiga badda.

Sir Gavin ayaa shebekadda Daily Express u sheegay “In aan Ingiriisku sugahayn muddo kale oo dheer, ee ay tahay in Ingiriisku hadda ka faa’iidaysto fursaddan diblomaasiyadeed oo ay si rasmi ah u aqoonsadaan dalkii hore maxmiyadda ugu ahaan jiray ee Somaliland oo ay iyagu hayaan furaha aqoonsigiisa.