Dalka Doorasho Way Ka Dhacaysaa, Cid Odhanaysa Waa Markaygiina Ma Jirto” Gudoomiye Cabdikariin Xinif

0
80

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa sheegay in dalka ay doorasho ka dhacayso, isla markaasina uu noqonayo Madaxwayanaha dalku qofkii ay shacabka Somaliland codka siiyaan, waxaanu meesha ka saaray in aanay jirin cid odhanaysa waa markaygii oo sidaasi kursiga ku helaysa.

Sidoo kale guddoomiye Xinif waxa uu sheegay in aanay xisbiyada Mucaaridku boggaadin guulaha Qaranka Somaliland gaadho, waxaanu kala dooransiiyay in ay ama Somaliland u go’aan oo ay hanbalyeeyaan ama dawladda Xasan Sheekh ka mid noqdaan, waxaanu ku adkeeyay in ama Somaliland ay iska iibiyaan ama Soomaaliye, balse aanay dhex taagnaan.

Guddoomiye Xinif ayaa intaasi ku daray in markii uu Madaxwayne Muuse Biixi ka soo noqday dalka Itoobiya uu iskugu yeedhay Hogaanka Axsaabta iyo Ururada, balse ay masuuliyiinta labada Xisbi mucaarid ay ka baaqsadeen kulankaasi oo ay diideen inay ka soo qayb galaan, taasi oo uu madaxwaynuhu rabay inuu uga waramo heshiika Somaliland iyo Itoobiya si la iskula eego horumarkaasi.

Guddoomiyaha oo arrinaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Doorashadu way dhacaysaa, waana lagu tartamayaa, nin odhanaya waa markaygiina majirto, shacabkaasi ninkii ay codka siiyaan oo kaliya ayaa madaxweyne noqonaya.

Haday tahay waa markaygii Cabdillaahi Dirawalbaa leh, haday tahay waa markaygii Dhulbahante iyo Warsangeli ayaa leh, haday tahay waa markaygii Ciisa ayaa leh, hadaynu inta gudaheena ka dhignana Ayuub, Toljecle iyo Sanbuur baa leh, haday tahay Booraama gudaheeda Axmed Ismaaciil Samatar ayaa leh, haday Garxajis noqotana Faysal baa leh, hadaynu mar mar u qaybinayno cadaalad aynu ku qaybino.

Wakhti danbe oo waa markaygii wax la isku siinayaa ma jiro ee ninowna ha ku tashan ee waa cod, waa cod.”