Iran oo dad u kiraysatay in ay dilaan askariga ka soo goostay oo Maraykanka jooga

0
98

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogay saddex nin oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen inay dilaan nin Iran u dhashay oo ka goostay kuna noolaa gobolka Maryland ee Maraykanka.

Naji Sharifi Zindashti, oo 49 jir ah, kuna nool Iran, ayaa la sheegay inuu ka codsaday Damion Ryan oo Canada u dhashay inuu gacan ka geysto dil.

Mr Ryan, oo xubin ka ah naadiga mootada Hells Angels, wuxuu isna qoray saaxiibkii Adam Pearson, kaas oo hadda xabsiga ku jira.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay beegsadeen haweeney la socotay ninka soo goosatay.

Mr Zindashti – oo saraakiisha Maraykanka iyo UK ay sheegeen in ay ka shaqeyso shabakad dambiilayaal ah oo beegsaneysa mucaaradka Iran ee ku kala nool daafaha caalamka isaga oo wakiil ka ah dowladda Iran – ayaa isku raacay in ay siiyaan Mr Ryan, 43, iyo Pearson, 29, wadar ahaan $350,000 (£275,000) iyo $20,000 ( £15,750) oo ah kharashyada safarka ee dilka-kireystaha, sida ku cad eedayn la sii daayay dhowaan.

Kooxdu waxay ku wada xidhiidhay app- internetka oo sir ah SkyECC,  oo lagu sheekeysto, kaas oo ku lug yeeshay dhowr kiis oo dambiyo abaabulan ah. Shirkadda soo saartay app-ka, Sky Global, waxaa la wareegay mas’uuliyiinta Maraykanka 2021. Wax xidhiidh ah lama laha shirkadda isbaheysiga warbaahinta ee Sky Group Limited.

Mr Zindashti, oo ku nool Iran, ayaa fariin ku saabsan Mr Ryan u diray “shaqo” waxayna bilaabeen bishii Janaayo 2021 waxay bilaabeen inay ka hadlaan shirqool gaar ah oo ka socda Maraykanka, sida lagu sheegay eedda.

Mr Ryan waxa uu ka hadlay in uu madaxa ka toogto dhibbanaha waxa uuna qoray in uu hubin doono in hawl-wadeenadiisu ay ogaan doonaan “inaan madaxiisa ka jaro jidhkiisa.

Waxa uu sheegay in uu ururiyay koox afar qof ah oo uu ku jiro Pearson, oo u dhashay Canada, kaas oo markaas si sharci darro ah ugu noolaa gobolka Minnesota.

Qorshahaas ayaa sida muuqata aan fulin, meelaha bartilmaameedyada u ahaa kuwa wax fulina ee Marylandna laguma magacaabin eedda.

Saddexda nin ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay maleegayeen dil-kireeysi ah, kaas oo muteysan doona xabsi dhan 10 sano haddii aanay gelin hawshii xitaa oo aanay dhicin dhimasho iyo dhaawac. Intaa waxaa dheer, Pearson wuxuu wajahayaa eedeymo ah inuu hubaysnaa.

Bishii dhamaatay ee January, dowladaha Maraykanka iyo UK waxay ku dhawaaqeen cunaqabateyn lagu soo rogay Mr Zindashti iyo saaxiibadiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Zindashti lagu xidhay dhowr jeer dalalka Iran iyo Turkiga isaga oo lagu eedeeyay daroogo. Sannadkii 2014-kii, gabadhiisa ayaa waxaa dilay kooxo ay iska soo horjeedaan oo uu muran dhexmaray.

Waxaa la rumeysan yahay in uu hadda ku nool yahay dalka Iran, waxaana saraakiisha Maraykanka ay sheegeen in uu abaabulo dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah mucaaradka iyo howlgallada tahriibinta maandooriyaha isaga oo ka wakiil ah dowladda Iran. Saraakiisha Turkiga ayaa rumeysan in shabakadiisa ay ka dambeysay afduubkii Xabib Chaab, oo u dhaq dhaqaaqa Swedish-Iran, kaas oo la afduubtay booqasho uu ku tagay Turkiga sanadkii 2020, kadibna lagu toogtay dalka Iran.

“Dadaallada joogtada ah ee taliska Iran uu ku bartilmaameedsanayo mucaaradka iyo dadka ka ololeeya waxay muujinayaan ammaan darada qotoda dheer ee taliska iyo isku dayga uu ku doonayo inuu cadaadiska gudaha Iran uu u ballaadhiyo si heer caalami ah,” ayuu yidhi Brian Nelson, oo ah xoghayaha maaliyadda Maraykanka ee argagixisada iyo sirdoonka maaliyadeed.

BBC-da waxay la xidhiidhtay wasaaradda arrimaha dibadda Iran si ay faallo uga bixiso.

Mr Ryan iyo Pearson ayaa hadda ku xidhan xabsi ku yaalla dalka Canada iyaga oo lagu eedeeyay in ay xidhiidh la leeyihiin dil-kireeysi.

Mr Ryan waxa uu sugayaa in maxkamad la soo taago isaga oo ku eedaysan daroogo iyo hub. Mas’uuliyiinta Canada ayaa ku eedeeyay in uu ku lug lahaa howlgal caalami ah oo daroogada lagu tahriibiyo.

Pearson hadda wuu xukuman yahay waxa uu ayaa qirtay dil in uu nin ku dilay Alberta, waxaana sanadkii hore lagu xukumay sideed sano oo xarig ah.