Turkiga iyo Israel: Toddoba qof ayaa la xidhay ka dib markii ay xog u gudbinayeen Mossad

0
216

Ciidamada amaanka dalka Turkiga ayaa xidhay 7 qof oo looga shakisan yahay in ay xogta u gudbinayeen sirdoonka Israel ee Mossad, sida ay sheegeen saraakiil aan la magacaabin.

Xadhiga dadkan ayaa yimid ka dib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen booliska iyo saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka Turkiga ee MIT ee magaalada Istanbul iyo magaalada galbeedka ku taalla ee Izmir.

Bil ka hor 34 qof oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin Mossad ayaa lagu eedeeyay basaasnimo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa uga digay Israa’iil “cawaaqib xun” haddii ay beegsato xubnaha Xamaas ee ku sugan dhulka Turkiga.

Turkigu- si ka duwan inta badan dalalka reer galbeedka iyo qaar ka mid ah dawladaha Carabta – uma aqoonsan Xamaas urur argagixiso.

Dalka Turkiga waxaa ka jira taageero xooggan oo loo hayo Falastiiniyiinta, iyada oo tobanaan kun ay si joogto ah uga qeybgalaan isu soo baxyada Istanbul iyo magaalooyinka kale.

Ankara ayaan wali si rasmi ah uga hadlin xadhiga Jimcihii.

Laakiin warbixinnada warbaahinta oo ay soo mareen saraakiil aan la magacaabin ayaa sheegaya in MIT ay ogaatay in Mossad ay isticmaalaysay xubno gaar ah oo ula socda dhaqdhaqaaqyada xubnaha looga shakisan yahay Hamas, sawirana u soo dira.

Bishii Janaayo wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in 34 maxbuus lagu soo oogay dacwad ah “basaasnimo siyaasadeed ama militari” iyaga oo ka wakiil ah sirdoonka Israel.

Mossad ayaa la rumeysan yahay in ay qoratay Falastiiniyiin iyo muwaadiniin Suuriyaan ah oo ku nool Turkiga si ay qeyb uga noqdaan howlgallada.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil ay kula jirto Xamaas, waxa uu ku lug leeyahay dagaal qadhaadh oo afka ah oo uu kula jiro ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Bishii hore hadal uu jeediyey falkii Mr Netanyahu ee Gaza waxa uu ku tilmaamay mid “xasuuq” ah wuxuuna barbar dhigay xasuuqii Hitler.

Saraakiisha sirdoonka Israel ayaa wacad ku maray in ay beegsan doonaan Xamaas meelaha ka baxsan dhulka falastiiniyiinta, sida Lubnaan, Qatar iyo Turkiga.