”In la Yidhaahdo Somaliland Waxaa Maamusha Soomaliya Waa Baadil ”Sheekh Cabdillaahi Barbaraawi

0
117

Hargaysa (Dawan) Sheekh Cabdillaahi Barbaraawi oo ka mid ah Culimada waawayn ee dalka ayaa maxaadiro uu jeediyay waxa uu kaga hadlay in ay Somaliland ay tahay dal madax banaan oo dadkiisu u tashadeen, isla markaasina aan cid kale taladiisa u daba fadhiisan.

Sheekh Barbaraawi ayaa waxa uu sheegay inay baadil tahay dhinaca shareecada in la yidhaahdo Somaliland waxa maamusha Soomaaliya, maadaama oo Somaliland ay tahay dal xuduudihiisa leh oo Madaxwayne leh isla markaasi in ka badan 30 sano dawladnimadiisa ay jirtay, waxaanu Sheekhu in aan la odhan karin cid aan halkan maamulin way maamushaa, taasina ay tahay mid aan meesha qaban.

Sheekh Barbaraawi ayaa sheegay in aanay Somaliland imankari dadkaasi loo nisbaynayo, waxaanu soo jeediyay in arrimaha aad looga fiirsado waxaanu yidhi. “Dadka qaarkood baa aad ugu khaldama oo yidhaahda Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Waliyu Amri ka ah Somaliland, waa qadiyad baadil ah arrintaasi oo shareecada khilaafsan, ciddii xukunta ayaa waliyul amri ka ah ee amarkooda iyo diidmadoodu ka soconaysaa.”

Sheekh Barbaraawi isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Markii ay dawladii dhexe dhecday ayaa maamul iyo nidaam dadkii halkan deganaa samaysteen iyo dawlad u talisa oo amar iyo diidmo ku leh iyada oo aanay halkaasi waxba ka jirin ba, kadib baa kuwaasi la sameeyay, markii la sameeyayna halkan amar iyo diidmo kumay yeelan xataa ma iman karaan, markaa su’aaluhu waxay u baahan yihiin in lagu saleeyo diin iyo shareeco lagu saleeyo”.