Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Kulan Lagaga Hadlayay Adkaynta Amniga la Qaatay Taliyayaasha Ciidamada

0
153

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriaydda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda gaashaandhiga JSL Mudane Rooble Muuse Cabdi, ayaa shir guddoomiyay kulan lagaga arrinsanayay adkaynta nabadgelyada dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxa ka soo qayb galay taliyayaasha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ee Somalialnd, waxaana intii uu socday kulankaasi lagu gorfeeyay sidii xil iyo waajibaad dheeriya la isaga saari lahaa adkeynta nabadgelyada guud ee dalka iyo in la sameeyo feejignaan dheeraad ah.

Geesta kale, Wasiirrada Wasaaradaha arrimaha gudasha iyo gaashaandhiga iyo masuuliyiinta laamaha amniga dalku bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ka dalbadeen in ay gacan ku siiyaan ciidamada xoojinta amniga guud ee waddanka.

Sidoo kale, waxay masuuliyiinta amniga dalku ku boggaadiyeen bulsho-weynta Jamhuuriyadda Somaliland sida ay mar kasta ula shaqeeyaan ciidamada dalka iyo laamaha amniga, isla markaana gacan uga gaystaan sugida amniga iyo ilaalinta Qarannimada.

Waxaa sidan lagu sheegay war ka soo baxay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:- “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Rooble Muuse Cabdi ayaa shir gudoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan adkaynta amniga gudaha iyo guud ahaan amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan, iyada oo muddadii uu socdey shirku lagu Lafa-guray nuhiimadda ay qaranka iyo shacab ahaan ba u leedahay adkaynta amniga iyo in la sameeyo feejignaan dheeraad ah.

Dhinaca kale waxaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland lala socodsiinayaa in ay gacan ku siiyaan laamaha amniga adkaynta iyo xoojinta amniga, iyaga oo gacan buuxda siinaya Hay’adda qaabilsan amniga kalana shaqaynaya nabadgelyada, iyada oo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland looga bartay ka shaqaynta nabada iyo gacan siinta Ciidamadooda nabadgelyada.”