Maayarka Caasimada Hargeysa oo Gaadhi Dabdemis Casri ah ku wareejiyay Ciidanka Dabdemiska

0
118

Hargeysa(Dawan):-Taliyaha Ciidanka Dabdemiska JSL Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa shalay taliska guud ee ciidanka dabdemiska ee magalaada Hargeysa kagala wareegay Maayarka   caasimada Hargesya Cabdikariim Axmed Mooge gaadhi casri ah oo dabdemis.

 

Ugu horayn Taliyaha ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay Maayarka Caasimada Hargeysa iyo golihiisa deegaanka Hargeysa oo maanta ku wareejinaya gaadhi dabdemis oo ah nooca casriga ah ee u dambeeyay, taliyaha ayaa maayarka ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee uu hayo isaga iyo golihiisa deegaanku, waxaanu taliyuhu tilmaamay in gaadhigani wax weyn ka tari doono nidaamka gurmadka dabka.

 

Taliyaha ayaa sheegay in gaadhigani qaado 120 foosto oo biyo, isla markaana leeyahay qalabo kale oo casri ah, sidoo kalena uu meel fog ka damin karo dab kasta oo ka dhaca caasimada.Dhanka kale Taliyaha ayaa u mahadnaqay gudoomiyaha Baanka Cali Cabdilaahi Daahir oo gaadhi noocan oo kale hore u gudoonsiiyay ciidanka dabdemiska.

 

Dawlada Hoose Hargeysa iyo ciidanka dabdemiska ayaa taliyuhu ku dheeraaday wadashaqaynta qotada dheer ee ka dhaxaysa,waxaanuu taliyuhu ku bogaadiyay dedeaalkooda iyo horumarka xawliga ah ee ay samaynayaan maayarkuna hormuudka ugu yahay.

 

Ganacsatada waaweyn waddanka ee ay ugu horeeyaaan Telesom,Somtel,Dahabshiil,Somcable ayaa taliyuhu fariin u diray waxaanuu ku dhiirigeliyay in iyaguna gacan ka geystaan sidii gaadiid dabdemis ugu deeqi lahaayeen ciidanka dabdemiska.

 

Dhankiisa Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ugu horayn hambalyo u diray ciidamada dabdemiska Somaliland waxaanuu tilmaamay inay ciidamadu sameeyaan nafhur si ay nafo u badbaadiyaan.

 

Maayarka ayaa sheegay in ciidanka dabdemisku shaqooyin badan oo qiimo badan la qabteen muddadii uu joogay xilka, waxaanuu sheegay in halkaa dadaalka ka wadaan, isagoo intaa ku daray in gaadhigan iyo kuwo kale soo gaadhsiin doonaan ciidanka, mar walbana garab taaganyihiin ciidamada dabdemiska.

 

Ugu dambayn Maayarka caasimada ayaa furaha gaadhigaa ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Dabdemiska, waxaana halkaa lagu tijaabiyay gaadhigaa.