Wasiirka Biyaha iyo Masuuliyiin Degaanka Bender-wanaag Ka Dhagax DHigay Dhaam Biyood

0
101

Beden-wanaag (Dawan): Wasiirka wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa shalay dhagax dhigay Dhaam biyood cusub oo xukuumadu ka hirgelinayso degmadda Bandar-wanaag ee gobolka Maroodijeex.

 

Waxaana dhagax dhiga Dhaam biyoodkaasi ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, siyaasiyiin, madax dhaqameedka, iyo waxgaradka deegaankaasi iyo masuuliyiin kale.

Hawsha qodista ama xidhista Dhaam biyoodkaasi ayaa isna shalay ba halkaa laga bilaabay, iyadoona ay Cagafyadii qodayay iyo hawl-wadeenadii kaleba la arkayay iyadoo shaqadda ku guddo jira.

 

Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo hadalkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay dhaam biyoodkani ay shalay dhagax dhigeen, iyo waxtarka iyo faa’iidadda uu bulshadda deegaanka Bandar-wanaag u leeyahay.

 

Waxaanu sheegay in ay xukuumad ahaan qorshaynayaan in deegaamadda Hawdka gobolka Maroodijeex, biyo dheeraad ah loo raadiyo, taasoo ay ka mid yihiin in dhawaan laba ceel biyood oo Riig ah laga hirgelin doono deegaamadaasi.

 

Saleebaan Cali Koore, waxa kaloo uu xusay in sababta ay bulshadda deegaankani ku heleen Dhaam biyoodkani wayn ay tahay in ay ku suntan yihiin ilaalinta nabadgeliyadda.

Waxaanu yidhi “Hadka siyaasad baanu ka yeelan doonaa xukuumad ahaa xagga biyaha ah. Wixii la qabanayo iyaga ayaa muhiimadda yeelanaya. Waana la waraabinayaa.  Laakiin, waxaa la idiinka baahan yahay nabadda qaybtiina inaad ka qaadataan ilaalinta nabadgeliyadda, waxyaabahan oo dhami waxay ku xidhan yihiin in nabadda la ilaaliyo”.

 

“Qof kastoo muwaadin ah ilaalinta nabad geliyadda waxaa ka saaran xil, dawladnimadda iyo nabadgeliyadaba. Haddii aanay maanta Bandar-wanaag nabadgeliyadda ahaateen, anaguna maanaan nimaadneen, cid kalena may timaadeen. Waana laga carari lahaa. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay in ay noqoto maarkii u horaysay oo ay reer Bender-wanaag, biyo fiican cabaan” ayuu yidhi wasiirka biyuhu.

 

Wasiirka xanaanadda xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo isna madashii dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay  in deegaamadda Hawdka ay aad u dheer yihiin qodista ceelasha biyaha ee Riigga ah, sidaas darteedna uu madaxweyanaha Somaliland ugu dooray in laga sameeyo Dhaamam.

 

“Dhaam biyoodkani aynu dhagax dhigaynaa waa Dhaam qaaliya.  Sababta uu madaxweynuhu degaankani ugu soo gudbiyayna waxa weeye haddii ay Riigagii gaadhi waayeen wixii kale ee biyo ah ee la qabanayo xagan Hawdka ha loo badiyo. Kani ayaana ugu weyn intii Dhaamam deegaankani laga sameeyay.

Waxaan jecelahay in dadku gacmaha is wadda qabsadaan, oo ay xagga wanaaga, iyo waxqabadka isku taageeraan. Deegaamadda horumarayna dadkeedda ayaa horumariyay” ayuu yidhi Siciid Sulub.

 

Geesta kale siyaasi Cali Waran Cadde, ayaa isna sheegay in Dhaam biyoodkani uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, deegaankani u siiyay abaalgud, maadaama oo ay bulshadda deegaankani ay nabadgeliyadda xaggooda ka ilaaliyeen.