Madaxweynaha Somaliland Iyo Xisbiyada UCID iyo KULMIYE oo isku Waafaqay in Doorashooyinku ku Qabsoomaan Xiligoodii iyo In meel Looga soo wada Jeesto lala Galay Itoobiya

0
95

“Waa in gacmaha la is qabsadaa oon ka farxinaa shacbigeenna oo suuqu furfurmaa, maalgashiguna bilaabmaa” Guddoomiyaha UCID

“Isfahamka aynu la galnay Itoobiya waa mid dan u ah Somaliland oo aynu meel uga soo wada jeedsanayno” Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kulan la yeeshay madaxda xisbiyada UCID iyo KULMIYE, waxaanay isla qaateen in doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ay ku qabsoomaan xilligii loo muddeeyay  13ka November 2024ka.

Sidaasna waxa lagu shaaciyay shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen madaxtooyada kulankaasi kadib Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

 

 

“Waxaan  shacbiga Somaliland ugu bushaaraynaynaa qurbo-joog iyo qolqol joogba, annagoo haddii aanu nahay Xisbiga Caddaaladda iyo daryeelka ee UCID shacbiga Somaliland mar walba waanu ka farxinaa. Maantana (shalay) farxadii u weynayd ee aynu in badan sugaynay ayaanu sidnaa. Waxaanu kulan la yeelanay madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenkiisa, Wasiirradiisa iyo xisbiga KULMIYE oo muddo saddex sannadood ah annagu isma aanu arag, maanta (shalay) ayaanu is aragnay,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Saddex qoddob oo farxad leh ayaanu sidnaa, kuwaasi oo kala ah; Doorashadii muranka dhalisay waxaannu ugu bushaaraynaynaa shacbiga Somaliland in lagu heshiiyay inay wakhtigeedii dhacdo Bisha November ee sannadkan 2024ka haddii ALLE yidhaahdo. Waxa kaloo aan ugu bushaaraynaynaa shacbiga in  aynu hawadeennii la wareegnay oo dawladdu inoo sheegtay in hawadeennii la innaga boobay aynu soo ceshanay, sida aynu u soo ceshanay madax-bannaanideenii ayaynu hawadana u soo ceshanay. Qoddobka saddexaad isfahamkii aynu la galnay Itoobiya ee aqoonsiga Somaliland isagana si dhakhso ah ayaa haddii ALLE yidhaahdo loo dhammaystirayaa.”

 

“Waxaannu leenahay quluubteenna ILAAHAY  ha mideeyo, cadowgeenu ha ku quusto. Doorasho wanaagsan oo sidii hore ee aynu inoogu dhici jirtay nabadgelyadii aynu magaca ku helnay iyo midnimadeenii ha inoogu qabsoonto. Shuushow bax baanu leenahay, waana in gacmaha la is qabsadaa oo ka farxinaa shacbigeenna oo suuqu furfurmaa, maalgashiguna bilaabmaa. Sannadka 2024 waa bilowga khayrkeenna iyo barwaaqadeenna,”ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Geesta kalena,  Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed ayaa xisbiga UCID uga mahadceliyay inay mar walba arrimaha siyaasiga ah ka eegaan dhinaca qarannimada, waxaanu yidhi “Marka hore waxaan tilmaami lahaa labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE waa labada xisbi ee ugu da’ weyn axsaabta dalka. Xisbiga UCID baa ugu da’ weyn, xisbiga KULMIYE ayaa ku xiga. Tan iyo markii doorashadii ugu horreysay ay ka dhacday Somaliland sannadkii 2002dii labadaas xisbi iyagaa soo hagaayay. Waxa kaloo aanu uga markhaati furaynaa xisbiga UCID inay mar walba dhinaca qarannimada ka taagan yihiin xaaladaha siyaasadda, dimuqraadiyada iyo kuwa shuruucda iyo doorashooyinka intaba aad bay ugu mahadsan yihiin.”

 

“Waa la isla meel dhigay qoddobka doorashada inuu sidiisii, xiligiisii iyo qawaaniinta doorashadana uu ku socdo. Xisbiga KULMIYE horena wuu u caddeeyay, maantana wuu caddaynayaa in doorashadu xilligeedii ay ku dhacayso, xisbiguna diyaar u yahay,”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

 

“Xukuumadda, Madaxweynaha iyo Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay hayaan dhaqaalihii doorashadaas ku bixi lahayd inteedii badnayd. Waxa kaloo xukuumaddu baahisay inay iyadu la wareegtay maamulkii hawadda Somaliland oo hore qolada Xamar ugu rafanaysay heshiis horena laga gaadhay, hase yeeshee Soomaliya ay ku xadgudbeen inuu fulo heshiiskaasi,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiirku wuxuu sheegay in heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu dan u yahay dalka, loona baahan yahay in meel looga soo wada jeedsado, waxaanu yidhi  “Arrinta isfahamka ay wada galeen labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, waa mid aynu u madax-bannaan nahay innagu (Somaliland) in aynu galno. Madaxda xisbiga UCID tallo ayay ka dhiibteen waanan soo dhaweynaynaa. Waa heshiis qarankan dan u ah isagana meel baynu uga soo wada jeedsanaynaa.”