Hay’adda Duulista iyo Madaarada ooka Hadashay Gardarada Soomaaliya ku Hayso Hawada Somaliland iyo Xaddiga Lacagta ay ku Lunsatay

0
153

Hargeysa(Dawan):-Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Madaarada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan(Cumar-sayid) ayaa ka hadlay  xaalada Hawada Somaliland iyo gardarro aan gabbaasho lahayn oo Hawada Somaliland ay kula kacayeen dawladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya.

Waxaa kale oo Maareeye Cumar-sayid uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u qabsoomay ee kala dambeeyay qodobo lagu heshiiyay oo mid kasta Soomaaliya ay jabisya.

Waxaanu beesha Caalamka ,hay’adda qaramada midoobay iba ku war geliyay  gardarada iyo duulaanka badheedhka ah ee Soomaaliya ay ku soo qaaday Hawada Somaliland.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda duulista Madaarada Somaliland oo dhamaystiran oo soo gaadhay Wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan. “Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maamulka Hawadu, laga bilaabo manta(shalay) 00 Salaasa ah, 13ka Bisha Labaad Sanadka 2024ka waxay ku wargalinaysaa dhamaan dhinacyada ay khusayso ee ay ka mid yihiin, Hay’adda Qaramada midoobay ee duulimaadyada rayidka ee caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (ICAO), Wadadama jaarka ah, iyo Hay’addaha kale ee duulimaadyada caalamiga ah in wixii dhibaato iyo carqalad ah ee  ka yimaada maamulka hawada dilkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaalida (Somali Republic) ay masuul ka noqonayso, Dawlada Muqdisho, kadib markii ay muddo dheer si ka baxsan xeerarka caalamiga ah iyo ixtiraamka heshiisyadii kala dambeeyay ee dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya ee ay markhaatiga ka ahaayeen Hay’ado, ururo caalami ah iyo dawlado kaleba ay ugu tagri fashay awooddii iyo maamulkii hawada ee ay qaramada midoobay gacanta u galisay.

Havadda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland ee Maamulka Hawadu iyada 00 kaashanaysa awoodda shacabkeeda, iyo wadamada saaxiibka la ah, waxa ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku joojinayso xadgudubyadaasi isasoo taraya isla markaana ku ilaalinayso maamulka hawadeeda.

Waxaanu Xusuusinaynaa dhammaan ururada qaramada midoobay, kuwa qaaradda Africa iyo guud ahaan caalamka intiisa kaleba in Sanadkii 2012kii, muddo haatan laga joogo 12 sanno ayay Jamhuuriyada Somaliland wada hadal laba geesood ah la bilawday Dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Somalia, kaas oo ku saabsanaa in maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Somalia (Somaliland — Soomaaliya) laga soo wareejiyo gacanta Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada ee loo soo gaabiyo ICAO (Mashruucii CACAS) laguna soo celiyo gacmaha labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Laga soo bilaabo 2012 ilaa iyo 2019, Somaliland iyo Somalia waxa ay yeesheen wada-hadalo isugu jiray kuwa heer sare ah iyo kuwa farsamo oo ay ka dhasheen in Labada dhinac ay ku heshiiyaan maamulka hawada lana kala saxeexday heshiisyo ay goob joog ka ahaayeen Hay’adda Qaramada Midoobay ee (ICAO) iyo dawladihii marti-geliyay wada-hadalada.

Heshiisyadaas oo nuxurkoodu ka koobnaa qodobadan hoos ku qoran.

  1. ln Maamulka Hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay (Mashruuca CACAS).
  2. ln maamulka Hawada lagu soo celiyo gacmaha labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya.
  3. ln Maamulka Hawada laga madax bannaaneeyo Siyaasada iyo cunfiga.
  4. ln Maamulka Hawada labada dal ay wadaagaan.
  5. ln xarunta maamulka Hawada laga dhigo Hargeysa kaliya (Heshiiskii Koowaad)
  6. ln Laba xarumood oo qalabaysan laga sameeyo Hargeysa iyo Muqdisho (Heshiiskii 2 aad)
  7. ln Dakhliga Hawada Somaliland iyo Soomaaliya ku qaybsadaan Saamiga 40%:60%.

Nasiib darro, Xukuumadihii kala dambeeyay ee Muqdisho, waxaas oo heshiis ah midna kama fulin, waxayna si jujuub ah kula wareegeen Maamulka Hawada sanadkii 2018.

Laga soo bilaabo sanadkii 2018 ilaa 2023, waxa ay dawladda Muqdisho ku takri-fashay dakhli ka badan 60 Millyan oo dollar oo ah lacagtii ka soo xarootay maamulka hawada ( Upper Space Navigation Charges ) 00 ahayd 40% ay Jamhuuriyada Somaliland xaqa u Iahayd ee loogu talo galay in lagu horumariyo madaarada dalka.

Waxa kale oo dawladda Muqdisho ka baxday heshiiskii qalab dhammaystiran lagu keeni Iahaa Xarunta Hargeysa, taas oo ay diideen in la geeyo qalabkaas Hargeysa markii dambena la geeyey Baydhabo.

Sida oo kale mudadii ay sida ku meel gaadhka ah gacanta ugu hayeen maamulka hawada, waxa ay carqaladeeyeen duulimaadyo rayid iyo xamuul ah oo tiro badan oosi nabad ah ugu socday Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ugu dambeeyay labo duulimaad oo ka hore uu ahaa duulimaadkii waftida Dawlada Federalka Itoobiya, iyo Duulimaadkii labaad ee diyaarada ambalaaska.„