Somaliland Waa in Loo Aqoonsadaa Dal Madax Bannaan” Eliot Wilson

0
98

Hargeysa (Dawan)- Warbaahinta The Hill oo fadhigeedu yahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa ku boorrisay dawladda Maraykanka inay aqoonsiga Somaliland muhiimad siiso.

Warbixintan oo uu qoray qoraaga weyn ee Eliot Wilson waxa ay u dhignayd sidan:- “Dadka reer Somaliland dhalasho ahaan waxa ay ka duwan yihiin dadka Soomaaliya deggan. Inkasta oo dunida aanay weli aqoonsi ka helin, haddana waxa ay 30kii sano ee u dambeeyay samaysteen dawladnimo iyo dal Dimuqraaddi ah, iyada oo doorashooyin madaxweyne la qabtay sannadihii 2003, 2010, iyo 2017kii haddana bisha November ee soo socota loo ballansan yahay in loo dareero goobaha codbixinta. Goobjoogayaashii caalamiga ahaa ee sannadkii 2017 waxa ay xuseen in guusha ay Somaliland ka gaadhay taabbo gelinta nidaam siyaasadeed oo hufan oo ka kooban hab-dhaqameedkii bulshada iyo hannaanka doorashada ee qof iyo cod uu ahaa mid adduunyadu aad ula dhacday.

Ururka Freedom House oo qiimayn ku sameeya xaddiga ay leeg tahay xorriyadda ay dalalku ku naalloodaan dhinac walba ayaa sannadkii hore Somaliland ka gashay baa lagu yidhi warbxintan kaalinta 44 , halka Somalia ay ka gashay kaalinta ugu danbaysa oo macneheedu yahay in aanay wax xorriyad ah haysan.

Sannadkii 2021, Somaliland waxa ay xadhiga ka jartay ballaadhin lagu sameeyay dekedda Magaalada Berbera oo ay gacanta ku hayso Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World. Geesta kale bishii March ee sannadkii hore dawladdu waxa ay samaysay aagga cashuuraha ka caaggan, si loo dhiirri geliyo maalgelinta ganacsiga. Dhinaca waxbarashada iyo cilmi-baadhista, Jaamacadda Hargeysa waxa ay xidhiidho la samayatay Jaamacdaha Harvard, Universtiy College London iyo King’s College London.

Dhinaca Taariikhda, Somaliland iyo Somalia waligood waxa ay kala ahaayeen laba dal, waxa ay dawladnimada isku darsadeen markii ay labaduba ka xoroobeen gumaystayaashii Ingiriiska Iyo Talyaaniga. Somaliland laga soo bilaabo sannadkii 1884kii waxa ay ahayd maxmiyad Ingiriis, halka Somalia ahayd loo yaqaannay Italian Somalia illaa 1908.”

Warbixintan ayaa lagu sheegay in muhiimadda Somaliland ay u leedahay gobolka la dareemay kadib weerarrada ay ururka Xuutiyiintu ka bilaabeen marinka badda cas oo Somaliland ka saaran tahay dhanka koonfureed.

Warbixintasi waxay ibtaas ku dartay “Marka intaa soo dhan la eego madaxweyne Biden oo sannad wax ka yari u hadhay waa inuu qaataa go’aan is-beddel oo aqoonsadaa Somaliland, waayo baa la yidhi Somaliland waxa ay samaysay horumar siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo la yaab leh soddonkii sanno ee ugu danbeeyay iyada oo aan haysan qarannimo la aqoonsan yahay oo ka faa’iidaysta kaalmooyinka caalamka, wakhtigan la taagan yahayna waxa ay u qalantaa in gacan la siiyo.