Wasiirka Warfaafinta oo Sheegay in aanay Soomaaliya Xukumin Hawada Somaliland

0
115

Hargeysa (Dawan):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, ahna afhayeenka xukuumada, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in aanay Soomaaliya hawada Somaliland xukumin xataa boqolkiiba hal.

Sidoo kale waxa uu su’aal geliyay sida ay u hirgelin karto badbaadada duulimaadyada rayidka ah marka horeba.

Wasiir Cali wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku baahiyay Bartiisa X (Twitter) waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Dawlad aan xukumin hawadeeda  xataa Boqolkiiba hal (1%), ayaa weli sheeganaysa inay maamusho hawada. Somaliland.

Su’aasha taas ka dhallanaysaa waxa ay tahay “Sidee bay u hirgelin kartaa badbaadada duulimaadyada rayidka ah marka horeba?”

Jamhuuriyadda Somaliland waxay si buuxda u xukuntaa hawadeeda, sidaas darteed, Xukuumadda iyo dadka reer Somaliland waxa ay gabi ahaanba diidan yihiin sheegashooyinka been abuurka ah ee ka soo yeedhay Dawladda Muqdisho ee ku wajahan maamulka hawada”