Tababar ku saabsan arimaha gargaarka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa

0
96

Hargeysa (Dawan) Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay tababar ku saabsan arimaha gurmadka iyo samata bixinta dadka masiibooyinku helaan.

Tababarka ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’adda udoyaargarowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed, ayaa ka hadlay ahmiyada tababarkan.

Waxaanu yidhi “Abaaro ayaa dalka joogto uga dhaca, dabab, ayax, duufaano iyo waxyaabo saameyn nolosha ku leh oo fara badan ayaa wadanka ka dhaca, 4 jeer ayay dhaceen dhawrkii sano ee u danbeeyay, kuwaas oo sameyn kulahaa nolosha bulshadeena, hay’adda u diyaarka ah inay wax ka qabata waa hay’adda aafooyinka, marka in aynu aqoonteena kor uqaadna waa mihiim, qofkuna waa in uu ka faa’ideysto maalmaha kooban ee tababarku socdu, tababarkana waxa uu salka ku haya qaabka masiibooyinka looga jawaabayo.

Sannadkan hadda dhammaaday waxa aanu qaybinay raashin bulsho gaadhaysa 38-kun oo qoys, oo u dhiganta laba boqol iyo dhawr iyo labaatankun oo qof,”