Wasiirka Deegaanka JSL Oo Hor Tagtay Guddiga Dabagalka iyo Illaalinta hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda

0
99

Hargaysa (Dawan): Guddiga dabagalka iyo illaalinta hantida qaranka ee golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay kulan la qaatay wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

 

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda ee magaaladda Hargaysa, ayaa xubnaha gudigu waxay wasiirka wax ka waydiiyeen hawlaha shaqo ee ay qaranka uga masuulka tahay wasaaradda Deegaanku, iyo arrimo kale oo shaqadda wasaaradaasi la xidhiidha.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha Wakiiladda JSL Mustafe Khayreeye, iyo xildhibaan Siciid Sokeeye, oo isna ka mid ah xildhibaanadda xubnaha guddigaasi ayaa kulanka kadib saxaafadda uga warbixiyay waxyaabihii ay wasiirka ka wada hadleen.

 

Xildhinaam Mustafe Khayreeye, guddoomiyaha guddi hoosaadka dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha Wakiiladda JSL oo ka warbixinayay u jeedadda kulanka ay wasiirka deegaanka la yeesheen, iyo arrimihii ay wax ka waydiiyeen wxa uu yidhi “Waxaanu ka wada hadlaynay uun waajibaadka wasaaradda, shaqadeedda, nidaamkeedda maamul,  miisaaniyadeedda, qorshaheedda, iyo waajibaadkeedda dastuuriga ah.  Wasiirka waan u mahad anqaynaa, si waafi ah ayay noogu warran tay, wixii macluulaad ahaa ee aanu uga maah-nayna jawaabtoodii waanu ka helnay, waanan uga mahad  naqaynaa”.

Waxaanu intaasi raaciyay “Wasiir Shukri, shaqadda ay hayso, waa dadka naadirka ah ee shaqadda ay hayaan aqoonta u leh, kuna fiican. Waajibaadkii dastuuriga ahaa ee kulankana wakhtigiisii ayay ku timid, anaguna waydiimo wanaagsan, iyo jawaabo wanaagsan, ayaa na dhex maray” ayuu yidhi xildhibaan Khayreeye.

 

 

Wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo iyana kulankaasi ka warbixisay ayaa tilmaantay iay noqonayso markii u horaysy ee ay guddigan hor timaado.

Waxaanay sheegtay in ay warbixin dhinacyo kala duwan taabanysa  iyo xog waafi ah ka siisay xubnaha gudigaasi hawlaha shaqo ee ay wasaaradu qaranka u xilsaaran tahay. “Guddiga wax badan baanu iska waraysanay, oo ay na waydiiyeen. Anagu na warbixin buuxda ayaanu ka siinay dhinac kastaba.

Wasaaradu waxay u xil saaran tahay, iyo waxa ay ka shaqaysaba,w axaanu ka siinay warbixin waafi ah. Halka ay wax nagala qaban lahaayeen, iyo sida aanu u wada shaqayn lahayn ba, waanu iska waraysanay. Waxaynu nahay wadan baahidu badan tahay, waxqabadkuna badan yahay.  Hadana wixii wax l;agu wadayna ay aad u yar yihiin, hadana hawluhu si qurux badan ayay u socdaan” ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland.

 

Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxay sheegtay in wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladu ay tahay hooyadda ay wax kastaaba ka bilaabmaan, sidaas darteedna hadddii aynaan deegaankeena hagaajinin inuu khatar gelayo jiritaankeenu.

 

Waxaanay tidhi “Waa markii u horaysay ee aan guddiga hor imaado, oo kulankan ayaa isugu kaayo horeeya. Si wanaagsan ayaanu isku waraysanay, aniguna si fiican ayaan ugu jawaabay.  Wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladu, waa hooyadda ay wax kastaaba ka bilaabmaan, hadddii aynaan deegaankeena hagaajin-na jiri mayno. Jiritaankeenu waa wasaaarad uu ku xidhan yahay”.