Maalmaha Cabsida Iyo Caalamka!

0
93

Maalin kasta oo Jimce ah isla m,arkaana ay ย bishu tahay 13, waxa ay noqotay maalin dalalka reer galbeedka u aaminsan yihiin inay tahay maalin baas oo belaayo dhacayso.

Sidaa darteed kama soo baxaan guryahooda, maalintan ayaa sanadkii ugu yaraan hal mar gasha, ugu badnaan 3 jeer. Sanadkii 2015 saddex jeer ayaa galay 13 Feberwer, March, iyo Novemeber.ย  Sanadkan 2024ka waxa galaya laba maalmood oo kala ah Bisha Septmebr iyo Desember.

Cabsida aan caqliga ku dhisnayn ee dunida xadaaradda iyo ilbaxnimada sheegata laga aaminsan yahay ayaa loo yaqaanaa “triskaidekaphobia” oo ah erayo Giriig ah.

Sida uu sheegayo taariikh qoraha Mr.Donald Dossey, dhaqanka nasiib darrada ah ee lagu lamaaneeyay tirada “13” waxa ay ka soo jeedaaย  Qisada khurafaadka ah ee โ€œNorseโ€ย  oo ku saabsan in 12 saaxiroole ay xaflad casho ah ku samaysteen Valhalla. Shaydaanka oo aan la casuumin, ayaa yimid oo noqday ka 13-aad. Isla markiiba waa cadhooday waxaana uu fallaadh ku ganay Balder. Balder waa uu dhintay.ย  Dhulka waa uu madoobaaday. Waxaana ay rumayseteen inayย  maalin xun tahay, oo aan nasiib lahayn.” Dhacdadan qisaska Norse waxa ay sababtay in lambarka 13 loo tixgeliyo nasiib darro.

Wakhtigan maalinta ay Jimce 13 bishu noqoto waa maalin ay ku jiraan dadka aaminsani argagax iyo cabsi joogto, oo guryahooda iska joogaan iyagoo rumaysan inay tahay maalin baas oo belaayo ah.

Waxa la sheegay inay suurtagal tahay in faafitaanka iyo rumaysashada khuraafaadkan ay qayb weyn ka qaatay buuga caanka ah ee uu qoray Thomas W. Lawson ee Jimcihii 13, uu yahayย  ka qaybta u weyn ka qaatay faafinta iyo rumaysasha khuraafaadkan.

Buugaagta Novalada iyo Filimada Yurub ayaa ka faaโ€™iidaystay faafitaanka caadadan khurafaadka ah ee cabsida xambraasan. Dalalka iyaguna ku hadla luqadda Spanishka ayaa caado u leh inay tahay maalinta salaasada ee bishu 13,ย ย  maalin baas oo belaayo dhacayso.

ย