Kulan Muhiim ah oo Dhexmaray Xisbiyada KULMIYE iyo UCID

0
186

Hargeysa (Dawan)- Labada Xisbi Qaran ee KULMIYE iyo UCID, ayaa shalay kulan muhiim ah ku yeeshay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagu gorfeeyay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo amniga qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay wehelinayeen xubnaha hoggaannada iyo masuuliyiinta u sarsaraysa labada xisbi, ayaa kulankooda oo ahaa mid qado ah kaga wadahadlay xaaladaha dalka iyo u-diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee dalka.

Labada Guddoomiye waxa kala wehelinayey; dhinaca KULMIYE Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye-ku-xigeenka 3aad ee xisbiga KULMIYE, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ahna Wasiirka Horuumarinta Khayraadka Biyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka 4aad ee Xisbiga KULMIYE Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Xoghaya Guud ee Xisbiga KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan Madar, Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) iyo siyaasiyiin kale.

Dhinaca kale, xisbiga UCID, waxa Guddoomiyaha wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga UCID, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga Axmed Cali Caynaba, Xoghayaha Guud ee xisbiga Maxamed Xuseen Ciise, Afhayeenka xisbiga Maxamed Cali Bilaal iyo Masuulin kale oo ka kala tirsan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta xisbiga UCID.