Somaliland oo soo Bandhigtay Go’aankeeda ay ku Fulinayso Heshiiskii is afgaradka ahaa ee Itoobiya

0
150

Adis-ababa(Dawan):-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, Dr Ciisa Kayd Maxamed, ayaa xaqiijiyey in ay Somaliland ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay bishii January ee sannadkan.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay EBC World, Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskaas oo ah mid  weyn uu waafaqsan yahay dhammaan shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah.

Janaayo 1, 2024 Rayisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, ayaa Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis taariikhi ah oo la doonayo in lagu dardargeliyo is-dhexgalka gobolka iyada oo la kobcinayo horumarka labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Kayd waxa uu daboolka ka qaaday inay diyaariyeen guddi hagaya fulinta dhammaan qodobbada heshiiska taariikhiga ah, kaas oo la filayo inay ka dhabeeyaan danaha labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa caddeeyay in heshiiska is-afgaradka ah ee ay Itoobiya la saxeexdeen aanu ahayn in cidna la dhibaateeyo balse ay tahay in si wadajir ah loo horumariyo iyada oo loo eegayo habka guuleysiga.

Wasiirka oo ka hadlaya sheegashada Soomaaliya ee ah in heshiiska is-afgaradku yahay mid xad-gudub ku ah qaranimadeeda, waxa uu sheegay in Somaliland ay xornimada ka qaadatay dawladdii Ingiriiska sannadkii 1960-kii.