Wakhtiyada Masiibadu sida Badheedhka ah u Dhacdo!

0
148

Musiibadii Hoolka Talyaaniga (oo mararka qaar loogu yaqaan xasuuqii 1913) waxa ay ahayd musiibo ka dhacday Arbacadii, Diseembar 24, 1913, magaalada Calumet, ee gobolka Michigan ee dalka Maraykanka.

Toddobaatan iyo saddex rag, dumar, iyo carruur ah, oo u badnaa shaqaalihii macdanta iyo qoysaskoodii, ayaa ku dhintay is jiidh habeenkaasi dhacay. markii uu qof  been ugu dhawaaqay “dab” xaflad Kirismas ah oo ay ka qayb galeen

Shirkada Calumet iyo Hecla Mining Company (“C&H”) waxa ay ahayd shirkadda kaliya ee ugu weyn ee ka shaqeysa macdanta naxaasta waddanka ee deegaanka Keweenaw Peninsula ee waqooyi-galbeed  ee gobolka Michigan.

Mid ka mid ah shaqo joojinta ugu dheerayd goobaha naxaasta waxa uu dhacay 1913, waxaana ku jiray dhammaan shaqaalaha macadan qodayaasha C&H. Xidhiidhka Ururka macadam qodayaasha waxa markii ugu horaysay laga aasaasay aaggaasi 1908, laakiin may lahayn xubno wax ku ool ah oo ku filan shaqo joojinta ilaa la gaadhay sanadkii 1913, wakhtigaasi oo ay ku dhawaaqeen shaqo joojin dhamaystiran.

Waagaasi, waxaa laga yaabaa inay jireen 15,000 oo shaqaale ah oo ka hawlgeliyay macdanta halka xidhiidhka ururada shaqaalaha macdan qodistu (WFM) ay sheegeen in 9,000 oo ka mid ah ay xubin ka yihiin xidhiidhka.

Xubnaha xidhiidhka shaqaalaha ayaa shirkooda ku codeeyey in laga codsado shirkadaha inay siiyaan aqoonsi ururka shaqaalaha iyo in loo sheqeeyaha la weydiisto inay shir la yeeshaan si loo hagaajiyo mushaharka, saacadaha shaqada , iyo xaaladaha shaqada ee degaamada naxaasta laga qodo ee Michigan.

Xubnaha xidhiidhka shaqaalaha waxa ay isku raaceen oo ugu codeyeen shirkaasi ” inay ku dhawaaqaan shaqo joojin” haddii maamulku ay diidaan in shir lala yeesho ama ay diidaan in ay tanaasul ka sameeyaan xaaladaha shaqada”.

Codbixinta ka dib, xidhiidhka WFM waxay waraaqo u direen maamulka shirkadaha macdanta iyagoo ka dalbanaya inay shir la qaataan; Laakiin maamulayasha shirkadu waa ay diideen codsigii xidhiidhka shaqaalaha.  Sidaa awgeed ururka “WFM” ayaa shaqo joojin ugu baaqay xubnaha shaqaalaha bishii July 23, 1913.

Macdan qodayaasha ayaa shaqo joojinta sii waday ilaa ay soo gashay ciida kiristaanka, iyadoo markaa shaqo joojin soo taxnayd muddo shan bilood.  Habeenimadii ciidda Kirismaska, in badan oo ka mid ah shaqaalaha macdan qodayaasha ee shaqo joojinta sameeyay iyo qoysaskooda waxay ka soo qayb galeen xaflad Kirismas ah oo ay maal galineysay xidhiidhka shaqaalaha.

Xafladda oo ka dhacaysay dabaqa labaad waxa uu lahaa hal jaranjaro oo laga koro oo keliya, waxa kale oo jiray goob badbaadada dabka ah oo tayadeedu liidato oo dhinac kaga taallay dhismaha iyo salaan dhinaca danbe ku yaallay oo lagu gaadhi karo marka daaqadaha laga koro. Sida awgeed dhismuhu badbaadin fiican ma lahayn haddii xaalad dab ka bilaabanto.

Habeenkaasi Waxa hoolka buux dhaafiyay 400 oo qof oo lagu martiqaaday munaasabadda kuwaasi oo ahaa shaqaalaha macdanta qoda iyo xaasaskood, The hall was full of guests who came to celebrate a festive atmosphere. Waxa is qabsaday madadaalada qosolka iyo farxaddu ka muuqatay ka qaybgalayaasha kuwaasi oo ku wareegayay geedka kiristaanka oo lagu qurxiyay midabo nalal ah oo kala duwan.

Xafladda iyo dabaal dega ayaa ku bilaabmay jawi farxad iyo maaweelo badan, waxaana diyaar ku ahaa sharaabkii iyo cuntadii habeenkaasi xafladda loogu talo galay, dabaqa labaad. laakiin farxaddii habeenkaasi ayaa isu bedeshay masiibo naxdin badan oo ay dad badani ku hoobteen.

iyagoo farxadda lagu jiro ayuu nin qaylo dheer ku dhuftay isagoo ku dhawaaqayay “ Waa dab… Waa dab …. hala is badbaadiyo”.  Dhamaan dadkii waxa ku habsatay naxdin iyo argagax, waxa ay bilaabeen inay u ordaan dhinaca albaabka, halkaasi oo ahayd meesha keliya ee ay kaga baxsan karaan dabka.

Dhamaantood waxa ay isku cidhiidhyeen albaabka madaama uu ahaa mid aad u yar, waxaana ka dhacday masiibo ay ku dhinteen 73 qof  oo 59 ka mid ahi ay caruur ahaayeen.

Waxase yaab iyo amankaag ahayd in aanu jirin haba yaraate dab huteelka ka kacay, xataa Qiiqa muujinaya suurtogalnimada dabka ayaan muuqan, isla markaana aanu jirin wax bixinaya urta dabka ah.

Illaa iyo maanta, dood badan ayaa ka taagan yaa ku qayliyay  “waa dab” iyo sababta. Waxa ay rumaysan yihiin taariikhyahannada qaarkood in dad ka soo horjeeday ururada shaqaalaha ay arintaa sameyeen si ururku loo baabiiyo.

Waxaa kale oo iyana jiray baadhitaano dhowr ah oo ku saabsan musiibada. Laakiin baadhaha loo xilsaaray arintaasi ayaa markhaatiyaasha oo aan ku hadlin Ingiriisiga ku khasbay inay su’aalaha kaga jawaabaan  Ingiriisiga, inta badan markhaatiyaasha lama waydiin su’aalo dabagal ah oo muhiim u noqon ogaanshaha cidda sababtay masiibada.

Waxaana ay umuuqatay in dad badan oo loogu yeedhay inay markhaati furaan aanay arkin waxa dhacay. Seddex maalmood ka dib, baadhaha masiibadani waxa uu soo saaray xukun aan bixin sababaha iyo waxa horseeday dhacdadan dhimishada badan keentay.

Horaantii 1914 , guddi hoosaad ka socoday aqalka wakiilada Maraykanka ayaa tegay deegaanka naxaasta laga qodayay si ay u baadhaan shaqo joojinta. Waxa ay xusheen markhaatiyaal iyagoo dhaariyay maalin dhan oo ahayd 7 March, 1914 ayay hawshaa wadeen.  Labaatan ka mid ah markhaatiyaasha ayaa ku marag furay iyadoo loo qabtay turjubaano in ninkii ku qayliyay “waa dab , waa dab” uu xidhnaa shaadhka isbahaysiga muwadiniinta  “Citizens’ Alliance”.

Isbahaysiga muwaadiniintu waxa uu ahaa urur dowladeed iyo mid maxali ah oo ka soo horjeeday ururada shaqaalaha.  Sheeko caan ah oo la xidhiidha masiibada ayaa sheegeysa in albaabada hoose ee jaranjarada Hoolka Talyaaniga laga furay gudaha.

Sida sheekadu cadaynayso, markii ay carareen dadku ee ay gaadheen jaranjarooyinka, waxay ay ku cadaadiyeen albaabada, iyagoo u diidyay inay furmaan waxaana ay sababeen in dad badan la jiidho laguna tunto.

Buugga laga qoray masiibadan ee “Albaabka Dhimashada” oo cadaynaya  xaqiiqda Ka Dambeysa Dilkii Ugu weynaa Ee Ka Dhacay Michigan, ayaa muujinaya in aan lagu xusin in albaabadu in ay qayb weyn ku biirinayaan baadhitaanka. Baadhihii masiibada ee Dicember 1913, waxba kama xusin albaabada, dhegaysigii guddi hoosaadka ee 1914, iyana waxba lagama soo qaadin iyo xataa warbixinaha wargeysyada ee wakhtigaasi.