Xukuumadda Taalibaan oo bixisay daymihii korontada ee dalalka la deriska ah

0
73

Afgaanistaan ​​ayaa fasaxday deyn koronto oo ay ku lahaayeen saddex dal oo la jaar ah oo ku yaalla badhtamaha Aasiya, waxaanay kala xaajoonaysaa kordhinta Korantada ay ka helayaan dalalkaa, tallaabadan ayaa muujin karta in xukuumadda Taalibaan ay u dhaqaaqday xasillooni dhaqaale.

Afgaanistaan ​​oo aan bad lahayn waxay si weyn ugu tiirsan tahay tamarta la soo dejiyo, iyada oo in ka badan boqolkiiba 70 ka hesha korontadeeda Tajikistan, Uzbekistan, iyo Turkmenistan, iyo qaybo Iran ah.

Sannadkan, saraakiisha Tajikistan waxay sheegeen inay 1.9 bilyan kilowatt oo koronto ah u dhoofin doonaan Afgaanistaan, taas oo 17% kor u kacday sannadkii hore .

Saraakiisha Taliban ayaa si firfircoon u doonaya korodh dheeri ah oo ka yimaada Turkmenistan iyo Uzbekistan, sida laga soo xigtay DABS, shirkadda korontada qaranka ee Afgaanistaan ​​maamusho.

Bishii Disembar, Afgaanistaan ​​waxay dib u cusboonaysiisay heshiisyada iibka korontada ee saddexda jamhuuriyada Aasiyada Dhexe, iyada oo hubinaysa in tamartu sii socoto.

Lacagaha korontada ee Afgaanistaan ​​ayaa dib u dhacay ka dib burburkii dawladdii hore ee dalka laga qabsaday Agoosto 2021. Tani waxay keentay in dalalka keena korantada ay ku hanjabaan in ay joojiyaan.

Iyada oo la kulmeysa cunaqabateyn ba’an oo dhanka bangiyada iyo dhaqaalaha ah, dowladda cusub ee Taalibaan waxay la tacaalaysaa inay bixiso lacagaha wakhti ku dhow muddo sanad.

Toddobaadkii hore, afhayeen u hadlay DABS ayaa sheegay in Kabul ay bixisay $627 milyan oo biilal ah oo ay gashay dowladdii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Amanullah Ghalib, oo ahaa agaasimihii hore ee DABS, ayaa diiday tiradan.

“Lacagaha dhimanaa waxay ahaayeen $40 illaa $50 milyan oo doollar,” ayuu Ghalib u sheegay VOA.

“Lacagta waxa la bixin jiray labadii toddobaadba mar, hadii dib u dhac yimaado waxay ahayd ganaaxyo. Ma ahayn DABS mid lacagta bixin weyda sannado ama bilo.”

Afgaanistaan ​​waxay bixisaa ku dhawaad ​​$250 milyan sanadkii 600 ilaa 650 megawatt oo koronto ah oo dibadda laga keeno, ayuu Ghalib ku daray.

VOA ayaa la xidhiidhtay afhayeenka DABS si uu u caddeeyo lacagta la bixiyay iyo inta uu la egyahay, balse wuu diiday inuu ka hadlo.

Ganacsi ka badan siyaasadda

In kasta oo aanay saddexda dal ee tamar-qeybiyeyaasha Aasiyada dhexe midkoodna si rasmi ah u aqoonsan dawladda ku meel gaadhka ah ee Taalibaan, hadna danaha dhaqaale ayaa sii waday in ay socdaan heshiisyada Kabul.

Iyada oo Turkmenistan ay sii wado ganacsi adag oo ay la leedahay Afgaanistaan, Tajikistan ayaa gabaad siisay qaar ka mid ah fallaagada Taliban ka soo horjeeda, Madaxweynaha Tajik Emomali Rahmon ayaa ku baaqay in la dhiso dowlad loo dhan yahay oo Afgaanistaan ah.

“Dalalka derisku in ay macaamilaan Taliban danta dhaqaale ayaa ka dhigaysa,” ayuu ydhi Ghalib oo ka hadlayay xidhiidhka Afgaanistaan ​​iyo kuwa deriska la ah.

Iyada oo laga digayo burbur dhaqaale ka dib markii Taliban ay xukunka ku soo noqotay Agoosto 2021, sawirka dhaqaale ee Afgaanistaan ​​ayaa weli ah mid adag.

Deeq bixiyayaasha oo bixiyay in ka badan kala badh miisaaniyadii dawladii hore ee Afgaanistaan, ayaa jaray kaalmadii horumarineed, waxay cunaqabatayn ku soo rogeen qaybta bangiyada jilicsan ee dalka, waxaanay xayireen in ka badan 9 bilyan oo doolar oo hanti maaliyadeed ah oo dibadda ah.

Baanka Adduunka ayaa sheegay in lacagta Afgaanistaan ​​ay weli xasiloon tahay marka loo eego dhinacyo kale, dakhliga gudaha sannadkii wuxuu gaadhay ilaa $2 bilyan, dhoofintuna waxay gaadhay $1.9 bilyan sanadka 2023.