Wasiirka Kalluumaysiga JSL oo Taiwan Kulamo Kula Qaatay Masuuliyiinta Dalkaasi

0
101

Taiwan (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha JSL Mudane Raabi Cabdi Maxamed oo ku sugan dalka Taiwan ayaa kulamo kala duwan dalkaasi kula yeeshay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibeda Taiwan iyo masuuliyiinta wasaaradda Kalluumaysiga dalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha JSL Mudane Raabi Cabdi Maxamed oo ku guda jira safarkiisii shaqo ee ku joogay dalka Taiwan ayaa shalay kulan la qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Dalka Taiwan Mr Remus Li-Kuo Chen iyo sidoo kale Agaasimaha guud ee Kalluumaysiga Dr Chih-Sheng Chang.

Madaxda Labadda Dal ayaa ku dheeraaday xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya labadda dal iyo sida ay iskaga kaashadaan horumarka dhaqan dhaqaale ee labadda dal.

Sidoo kale wasiirka ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay maalgashiga iyo horumarinta kalluumaysiga iyagoo isla qaatay inay maalgashi dhinaca kalluumaysiga ah ka hirgaliyaan somaliland iyo sidoo kale tababaro dhinaca kalluumaysiga ah oo la siiyo shaqaalaha wasaaradda kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland iyadoo tobobaradaasi ka kala dhici doonaan labadda dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Taiwan oo kulanka ka hadlay ayaa isna sheegay inuu xooga saari doono sidii ay u fulli lahaayeen mashaariicdaasi.

Kulanka Waxa goob joog ka ahaa Safiirka Somaliland U Fadhiya Dalka Taiwan Ambassador Maxamed Xaaji.

Dalka Taiwan ayaa ah dal ay xidhiidh Saaxiibtinmo oo soo jireena leeyihiin somaliland iyagoo labadda dal iska kaashadda mashaariico doora oo u badan dhinaca horumarka.