Wasiirka xanaanadda xoolaha oo ka Hadalay Faa’idada Mashruuca Xaaxi ee Gobolka Daadmadheedh

0
117

Oodweyne (Dawan) Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa kormeeray mashruuc laga hirgaliyey deegaanka Xaaxi ee gobolka Daadmadheedh.

Wasiir Siciid ayaa sheegay in mashruuca laga hirgeliyay degaanka Xaaxi ee gobolka Daadmadheedh, ay ku baxday qadar lacageed oo dhan afar boqol iyo konton kun oo dollar, waxaanu xusay in uu socday mashruucani muddo laba sano ah, waxaa uu intaas ku daray in mashruucani yahay mid xagga beeraha ah isla markaana guulaystay.

Gaba-gabadii waxa uu bulshada degaanka faray inay kor uqaadaan wax-soo-saarka iyo calafka xoolaha si bulshada degaanka Xaaxi u noqoto mid iskaga filan xagga cuntada iyo calafka xoolaha.

“Waxaynu ku talo galayna mar haddii gobolkani yahay kii xoolaha iyo beeraha, beertuna waxa ay u badan tahay dhulka xoolaha loo dhoofinayo in cawska iyo calafka xooluhu ku sii noolayaan looga qaado, marka taasi inaynu dib u soocelino.

Mashruucani muu ahayn mid markii hawsha la dhameeyay laga dhaqaaqay, ee tijaabadii u horraysay inaynu sameynay ayaa guula, isla markaana siidhkii beeraha loo qaybiyay ay beermeen, midha dhaleen.

ILLAAHEY dhulkaasi iyo biyahaasi ayuu idin siiyay oo qani ayaad tihiin, marka waxaan idinka codsanaya in biyaha soconaya ee roobka aad ka faa’ideysataan, sidoo kale xidha oo qabsada, ka wasaarad ahaan waxa aanu diyaar u nahay in aanu idinku dul joogno”