Danjire Barawaani oo Warbaahinta Kenya uga Warramay Ahmiyadda Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ugu Fadhiyo Geeska Afrika

0
117

Nairobi(Dawan)-Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani) ayaa ka hadlay ahmiyadda uu heshiiska Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay Mandaqada Geeska Afrika.

Safiir Barawaani wuxuu sidaas ku sheegay waraysi uu siiyay Nairobi News, waxa kaloo uu ka hadlay sooyaalkii taariikheed ee dawlad dhiska Somaliland, iyo muhiimadda Istaraatijiyadeed ee Somaliland u leedahay qaaradda Africa iyo guud ahaan caalamka.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd sababta xilligan keentay inay heshiis kala saxeexdaan Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu yidhi “Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya waxa ay wadaagaan dano badan oo ka dhexeeya sida Ammaanka, ganacsiga xidhiidho qoto dheer oo taariikheed oo labada dadyow wadaagaan ayaa jira. Marka labaad, Somaliland iyo Itoobiya  waxa ay ka wada shaqeeyeen dhinacyo badan 30kii sanno ee u danbeeyay, heshiiska is-fahan ee dhawaan dhex marayna waxa uu sii xoojinayaa xidhiidhadii dhaqan dhaqaale, ammaan, siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee labada dal u dhexeeyay.”

Waxa kaloo uu sheegay in Soomaaliya oo ay muddo dheer ahayd dal fashilmay oo muddo dheer ka xumayd horumarka ay samayso Somaliland. Waxaanu tilmaamay inay haatan ka hor ay isku dayday inay ka hortimaado heshiiskii shirkadda DP WORLD ay ku casriyaynayso dekedda Berbera, hase yeeshee taasi ay ka socon weyday.

Mr. Barawaani oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Heshiiska iskaashi ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga, ammaanka, iyo horumarka waxa uu sidoo kale wax uu in badan u faa’iidayn doonaa  guud ahaan bulshada Geeska Afrika iyo meelo kaleba.”

“Marka ay Somaliland hesho dhammaan xuquuqeheeda la socda aqoonsiga ee lagama maarmaanka ah, tani waxa ay fursad siinaysaa mandaqadda iyo  guud ahaan qaaradda Afrika. Somaliland waxa ay gaadhay guulo la taaban karo tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madax bannaanideeda dhuleed iyo siyaasadeed sannadkii 1991kii bishii May 18keedii. Qaddiyadda Soamliland waa mid u gaar ah oo ka duwan waayaha taariikheed ee dalal kale. Inkasta oo Somaliland haysan aqoonsi caalami ah. Somaliland waxa ay hoy u tahay dadyow badan oo ka kala yimid Afrika, Eeshiya, Yurub iyo  Ameerika,”ayuu yidhi Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya.