Xukuumadda oo Shaacisay Natiijada Baadhitaan Lagu Sameeyay Maydka Marxuum Dahable oo Muqdisho lagu Dilay

0
78

Hargaysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay baadhitaan qaatay muddo 48 saacadood ah oo lagu sameeyay maydka ILLAAHAY ha u naxariistii marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo si naxariis daro ah loogu dilay magaaladda Muqdisho.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargaysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan ayaa shaaciyay in baadhitaankii ay ku sameeyeen maydka marxuumka ay ka heleen calaamado muujinaya in si arxan darro ah loo dilay, waxaanu Agaasimuhu xusay in maydka muwaadinkan loola dhaqmay si dadnimada ka baxsan, kaasi oo uu sheegay in Talaajadii uu maydku ku jira korontada laga damiyay si uu maydku isku badelo.

Agaasimaha Cisbitaalka Hargaysa ayaa bulshada la wadaagay natiijada badhitaanadii ay ku sameeyeen maydka marxuumka waxaanu sheegay

“baadhitaan qaatay 48 saacadood waxaanu ku ogaanay in marxuum Cabdinaasir lagu ceejiyay xadhig dhumucdiisu wayn tahay, kaasi oo lagu ceejinayay muddo 5 daqiiqo iyo 7 daqiiqo ah, waxa kale oo nooga muuqday marxuum Cabdinaasir oo baadhitaanka nooga soo baxay in daanka midig uu jaban yahay guj waynina ay ka soo gaadhay, waxa kale oo nooga soo baxday baadhitaankayga in xiniinta bixid jug wayni ay ka gaadhay, barar fara badana uu ku lahaa gudaha xubinta dhibaato wayn ay ka soo gaadhay, waxa kale oo nooga soo baxday baadhitaankayga in isha bixid ay burbursan tahay gabi ahaan ba ishiisa bixidna burbur baa soo gaadhay, waxa kale oo runtii Cabdinaasir ku yaala nabaro badan oo ina tusaysa inuu is difaacayay, nabaro badan baa jidhkiisa ka muuqda.

Carabka oo kale iyo ilkuhu way is galeen waana calaamad tusinaysa in qofku naf xaraaradii ama saacadii u danbaysay uu dagaalamayay ama uu is difaacayay, waxaas oo dhan oo aanu ku aragnay maydka Cabdinaasir wax aka sii wayn jariimo kale oo runtii bani’aadanimada, islaamnimada iyo Soomaalinimadaba ka baxsan oo ah in Talaagadii maydka ee Cabdinaasir laydhka laga jaray sadexdii casho ee u danbaysay, maydkuna uu is badelay dibiro badana uu yeeshay, taasi oo aanu odhan karno waa jariimo kale oo laga galay Muslimnimada”.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in baadhista ay sameeyeen ay tahay mid madax bannaan oo anay xukuumadu wax lug ah ku lahayn, isla markaana qoyska Dahable ayuu sheegay in ay ka codsadeen baadhista cisbitaalka ku sameeyo marxuumka.