Khabiir Turki ah oo Shaaciyay in aanu Heshiiska Dalkiisu la Galay Somalia halis ku ahayn Itoobiya

0
140

 

Hargeysa(Dawan)-Murat Aslan oo ah aqoon yahan xidhiidhka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Xasan Kalyoncu University ee dalka Turkiga, ayaa sheegay in heshiiska dalkiisu la galay Soomaaliya uu yahay mid uu ciidammada dalkaasi kaga saacidayo inay xoogaystaan, si ay iskaga caabiyaan kooxaha Argagixisada.

 

Dawladda Soomaaliya ayaa marin habaabisay  Baarlamaankeeda oo toddobaadkii hore ansixiyay heshiis aanay arag oo aan nuquladiisa loo qeybin xildhibaannada, waxaanay uga dhigtay in Turkigu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya oo ay ku jirto Jamhuuriyadda  Somaliland oo uu ka hortagayo  sidii uu u  u dhicisaysayn lahaa heshiiska isfaham ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

 

 

Murat Aslan wuxuu sheegay in heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya aanu halis ku ahayn Itoobiya oo Turkigu cilaaqaad wanagaasan la leeyahay labadoodaba.

 

“Turkigu wuxuu Itoobiya gacan siiyay xilligii uu dagaalku ka socday gobolka Tigrayga. Sidoo kale wuxuu Soomaaliya ka taageerayay tobankii sannadood ee soo dhaafay la dagaalanka argagixisada,” ayuu yidhi khabiir Murat Aslan.

 

Waxa kaloo uu ku dooday  in Turkigu uu   hore ugu qabtay Ankara wadahadallo heerkoodu sareeyay oo ay ku wada xaajoodeen Somaliland iyo Soomaaliya, taasi ay diblomaasiyan wax diidayaa jirin wadahadal.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan caddeeyay in la fulinayo isfahamka taariikhiga ah ee ay wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya.

 

Waxaanu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu yahay naftii hafar, maadaama oo uu sheeganayo badda Somaliland oo aanu awood u lahayn inuu yimaado, waxaannu Xasan Sheekh ku sifeeyay “Cali Geellii ba’ay.”

 

 

 

Aragtida aqoon-yahan Murat Aslan wuxuu weji gabax ku yahay laabla-kaca Soomaaliya ay ku doonayso inay colaad cagaha u geliso dalka Turkiga. Waxana ay magaalooyinka Soomaaliya ka abaabushay bannaan-baxyo ay ku sheegtay “in lagu taageerayay wax loogu yeedhay heshiiska Turkigu ku difaacayo badda Soomaaliya.”