Xildhibaan ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo ku Geeriyooday Borama

0
177

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  tacsi u diray ehelkii, Qarabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay, Alle haw naxariiste xildhibaan Suleex Madar Xoosh, oo ka tirsanaa golaha guurtida Somaliland, oo shalay ku geeriyooday magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

ALLE haw naxariiste xildhibaan Suleex Madar Xoosh, ayaa ka mid ahaa   aasaasayaashii Golaha Guurtidda JSL,  waxaanu door muhiima kasoo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii qaranka Jamhuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu marxuumka ILLAAHEY uga baryay in uu janooyinkiisa geeyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo marxuumkana janooyinkiisa ku casuumo.