Wasiirka Warfaafinta oo waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Dooda ah in Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya Kordhinayo Xagjirka

0
123

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa daboolka ka qaaday in heshiiska is-faham ee Somaliland iyo Itoobiya uu xoojinayo xasiloonida  Mandaqada Geeska Afrika iyo cilaaqaadka dalalka gobolka.

 

Wasiirku waxa kaloo uu hadal barkuma taal ah ku tilmaamay dawladaha ku dooda in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu kordhinayo joogitaanka Alshabaab.

Wasiir Cali Xasan wuxuu sidaas ku bayaamiyay farriin uu ku daabacay bartiisa X (Twitter), waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Dawlado ayaa ku andacoonaya in heshiiska is-faham ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, uu kor u qaadayo joogitaanka Alshabaab, taasi oo ah hadaaqyo barkuma taal ah iyo fikrado siyaasadeed.”

“Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, wuxuu kor u qaadayaa xasiloonida gobolka. Waxaannu xoojinayaa

cilaaqaadka dalalka Geeska Afrika.”

“Runtu waxa ay tahay  inuu sare u qaaday shaqaaleynta xagjirnimada adduunka burburka iyo xasuuqa loo geystay Falastiiniyiinta.

Ugu yaraan 30 kun oo qof ayaa lagu dilay Qasa, kuwaasi oo saddex meeloodow laba ahaayeen  haween iyo carruur. Falalkaa bahalnimada ah ee ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan, ayaa keentay xagjiraynta malaayiin qof  oo ku kala nool daafaha dunida,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan).