“Somaliland uma Oydo Meydka ee Way ka Tashataa, Waxa laga Yeelayana Somaliland Bay u Taal”

0
182

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyay siyaasi si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland aanay u ooyin meydka, hase ahaatee ay ka tashato wixii laga yeeli lahaa. Waxaanu shaaciyay in talo laga yeellan doono qaraarka laga qaadanayo muwaadiniinta reer Somaliland ee sida insaaniyada ka baxsan loogu dilay Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu shalay ka qaybgalay Aas qaran xabaalaha masallaha ee koonfurta Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo dhawaan si arxan daran loogu dilay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

“Waxa innagu batay dad si uus xabaal ah loo soo dilay oo xaajo innagu cusub ah, dagaal la is qabto iyo dilba waanu naqaanaa oo Somaliland waayo-arag bay u tahay. Caalamka, islaamka iyo beeluhu intuba xeer bay ka leeyihiin dilka oo xudduudo aan la dhaafin iyo biri mageydo ayaa jira. Waxa kaloo jirta magan iyo nin masaafir ah oo ku dhex maraya ayaa jira. Markaa xeerar badan oo adduunku wadaago diin kasta ha haystee ayaa jira.dilalkan is dabo socda ee laba la aasay iyo kuwa kale ee la soo sheegay maantaba waa wax innagu ugub ah. marxuumka Ilaahay ha u naxariisto sheekh buu ahaa sida dadkii ay is yaqaaneen sheegeen, marka loo eego waxay Soomaaliya suuqa soo gelisay dilka taas ayaa ka xun ninka diinta ka haysta shahaadada koowaad iyo labaad ee jaamacada in waxaas loo quudhaa diinta iyo dhaqankaba waa mid geerida ka xun,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu intaas raaciyay “Meydkana waa la Aasi arrinna waynu ka Tashan, Somaliland-na uma Oydo meydka ee way tashataa, waxa laga yeelayaana Somaliland bay u taallaa meydkana waynu Aasaynaa.”

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo ahaa marxuumkii labaad ee muqdisho loogu dilo arrimaha hawada, islamarkaana Isniintii meydkiisa laga soo dejiyey madaarka Cigaal, waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo shacab kale oo tiro badan, waxana goobta jinaasada laga jeediyey hadallo loogu ducaynayo marxuumka sida axmaqnimada ah loo dilay, ehelka iyo qaraabadana loogu rajeynayo inuu Eebbe samir ka siiyo.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, waxbarashada, Horumarinta Biyaha, Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhigga iyo Caddaaladda oo halkaas ka hadlay, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuumku, waxana ay dilkiisa ku sifeeyeen jariimad weyn oo laga galay shacabka reer Somaliland.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac (Raambo) iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna tacsiyeeyey ehellada marxuumka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland, waxana ay farriin u direen cid kasta oo reer Somaliland ah oo ku fikiraysa inay Soomaaliya tagto.