Xukuumadda oo Shaacisay Cawaaqib Xumada ka Dhalanaysa Cadaawada Soomaaliya ay u Hayso Somaliland

0
129

Waxa la hayaa dad sidii loo eryanayay isu dhiibay safaarada Muqdisho Maraykanka ee Muqdisho” Wasiir Maxamed Kaahin

 

 

Qore: Cumar M. Faarax

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in cawaaqib xumo ka dhallanayso dilalka Islaamnimada ka baxsan ee Muqdisho loogu khaarajiyay muwaadiniin reer Somaliland ah.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sidaas ka sheegay Aas qaran oo xabaalaha Masallaha ee Hargeysa loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Marxuum- Axmed Aadan Cabdiraxmaan oo lagu dilay Muqdisho. Waxaanu caddeeyay in dilalkaasi ay cadaawad gelinayaan ummadda reer Somaliland.

“Waxaynu mar labaad iskugu nimid Aaska Axmed Aadan Cabdiraxmaan. Waa ayaan darro waana dhacdo dhaqan muslim aan ahayn. Halkan waxaynu u nimid aaska marxuumkaas lagu dilay Muqdisho. Mid horena waynu joognay dhawaan, iyadoo mid saddexaad oo Garoowe lagu dilayna uu jiro. Marxuumkan waxa la leeyahay waxa laga helay sun. Dilalkani waa arrin dadka reer Somaliland gelinaysa niyad xumo, cadaawad iyo cawaaqib xumo aan dadka ka maydhmaynin. waxaynu leenahay eheladii marxuumkan ILAAHAY samir iyo iimaan ha idinka siiyo ee qadarka qaata,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sheegay in cadaawadaas foosha xumi ay dhalinayso in aanay weligood wada hadal yeellan dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Dalalku way is dilaan, dagaalo badan baa adduunyada soo maray, haddana waa laga wada heshiiyay. Dilalkani waxay keenayaan in dawlad ka dhisanta Xamar iyo Jamhuuriyadda Somaliland aanay dib u wada hadlin. Marka qof dhinto eheladiisa ayay shareecadu xuquuq siinaysaa, waxaanu leenahay ka Garoowe lagu dilayna waad disheene soo dira. Haddii aydaan soo dirayn annagaa gaadiid u soo dirayna oo keenayna.”

“Meelo badan baynu cawaaqib xumo ka dhacay u soo joognay oo waxa meelo badan oo Somaliland ah ku yaalla xabaal-wadareed,laakiin waa nasiib darro dadka meesha joogaa dawlad sheeganayaan aan haddana weli kelmad laga odhan dadkan la laayay,”ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kaloo uu bayaamiyay in shakhsiyaad ka soo jeeda Somaliland u xidhan yihiin Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay in ujeeddooyin cadaawadeed loo haysto, halka qaarna isu dhiibeen safaarad, waxaanu yidhi “Waxaanu aaminsan nahay in dadka qaarkood oo la hayo in ujeeddooyin kale loo hayo. Waxa la hayaa dad kale oo sidii loo eryanayay isu dhiibay safaarada Maraykanka ee Muqdisho. Markaa waxaan leenahay dadka ha laga daayo tacadiga.”