Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Beeraha Oo Kormeer Ku Tagay Gobolka Hawd

0
58

Hargeysa (Dawan) – Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Horumarinta Beeraha JSL Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse, ayaa safar shaqo ku tagay gobolka Hawd.

Agaasimaha guud oo ay Weftigiisa ka mid ahaayeen Agaasime-waaxeedyada qorshaynta Cabdiqani Gallaydh, Wax soo-saarka Cabdirisaaq Gaboobe, Hanti-dhowraha Wasaaradda Yuusuf Siciid iyo Masuuliyiin kale, ayaa marka koowaad waxay xarunta Maamulka Gobolka Hawd ee Baligubadle kulan kula qaateen Badhasaabka Gobolka, Madaxda laamaha kale ee Maamulka Gobolka iyo ka degmada Balligubadle sida Xoghayaha fulinta ee Dawladda Hoose Mudane, Shiine iyo isu’duwaha Wasaaradda Beeraha Caydaruus Farxaan.

Kulankaasi oo la isku waydaarsaday xogaha Wax soo-saarka Beeraha iyo sida loogu baahan yahay in Beeralaydu ka faa’idaystaan Roobaadka dhawaan dalka ka da’aya, ayaa wuxuu Agaasimaha guud kaga dhawaaqay in Wasaaradda Beeraha oo kaashanaysa Hay’adaha ay wada-shaqaynta leeyihiin ay ku dhawaad 500 Qoys ka taageerayaan qodaalka Beeraha.

Kulanka ka dib, Agaasimaha guud wuxuu kormeeray Beeraha ku yaalla gobolka Hawd goobo ka mid ah, waxaanu War-bixino ka dhegaystay Beeralayda.