Dugsi Cusub oo laga Daah-furay Degaanka Balli Muuse ee Gobolka Daad-madheedh

0
85

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Maamulka gobolka Daad-madheedh iyo ka degmada Oodweyne ayaa xadhigga ka jaray dugsi cusub oo ay dawladda hoose ee Oodweyne ka hir galisay deegaanka Balli Muuse.

Munaasabada xadhig Jarka ayaa waxaa goobjoog ahaa maamulka gobolka iyo kan degmada Daadmardheedh.

Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee dowladda hoose Mascuud Faarax Cawad iyo xoghayaha dowladda hoose Cabdiqani Caagane, ayaa kawaramay daahfurka iskuulkani.

“Dugsigani baahiweyn ayay u qabeen bulshada degaanku, dalab ka yimid xagga bulshada ayaanu dugsigani ku dayactirnay, degaankan Bali Muuse waa meel baahi weyn u qabtay xagga waxbarashada, maadama dad badani ay joogaan, caruur badanina ay ku nooshahay, mihiimna ay tahay in la gaadhsiiyo adeegyada waxbarashada.

Mashruucan waxa hirgelisay dowladda hoose ee degmada Daad-madheedh, baahi ka timid bulshada, dowladda hoosena sidii loogu talo galay ay uga jawaabtay ayaa lagu dhisay, waxa intaas dheer in dowladda hoose dhismihiisa oo kaliya aanay ku koobnayn balse qalabayntiisa ay qayb weyn ka qaadatay.”

Bulshaweynta degaanka Bali Muuse, ayaa ka mahadceliyay dhismaha dugsigani, waxaaney sheegeen in ay wax weyn ka tari doonto baahidi xagga waxbarashada, waxa ay intaas ku dareen in qof magaalo wax ka soo bartay oo degaanka yimaada mooyaane aanay wax adeeg bixin waxbarasho ahi ka jirin.