Bisha Ramadaan Halkii aan ka Cibaadeysan lahaa ayaan Magafe ka Warwarayaa” Hooyo Basra

0
103

Hargeysa (Dawan) Hooyo Basra Haybe Xasan, waxa ay la warwaraysa ee ay dhabanka iyo gacanta isla saartay waa arrin ka xoog badatay, isla markaana ay awoodi wayday inay kaligeed xaliso.

Hooyo Basra wiil ay dhashay ayaa ugacan galay Magafayaasha dadka miirtay dhiigooda, habeen iyo maalin kama seexato codadka tiiraanyada iyo murugada xanbaarsan ee wiilkeedu u soo dhigo Whats-upka, waxaaney ku reebtay xanuun kali ku noqday.

Hooyo Basra waxa ay xustay in wiilkeeda loo haystay lacag dhan 17-kun oo dolar, balse bulshada Muxsiniinta ahi ay ka bixiyeen qadar lacageed oo dhan 8 kun oo dolar.

Hooyadani waxa ay sheegtay in halkii ay kagaga warwarilahayd xuska ILLAAHEY ay kaga warwareyso Magafe, waxa ay bulshada Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan ka codsatay inay uga soo gargaaraan lacagta aan jeebkeedana ku jirin, mid xigaalkeedna aan ku jirin inay ka soo bixiyaan.

Waxaaney tidhi.“Lacag dhan 17 kun oo dollar ayaa loo haystay wiilkayga, hadda 9 kun oo dollar ayaan bixiyay, lacag dhan 8 kun oo dolar ayaa la iga rabba, ehela igamu bixin, ee umada Islaamka ah ayaa iga bixisay.

Imikana umada islaamka ayaan ka baryaya inay culaysba isaare ILLAAHEY dartii culayska iga dulqaadaan, waxaan ku maqna Miyi muddo laba bilooda, haraad ayaan u bakhtiyi gaadhay, cidla ayaan ku xannuunsaday Tayfoodh ayaan qaaday, markan laba soo helaba laba iga baxsada, cagahayga waxa ku taagani waa qodax hooyo.

Bisha Ramadaan ee maalmaha koobani ka hadhsan yihiin, halkaan ka cibaadeysanlahaa, ee aan ILLAAHEY xuskiisa ku warwarilahaa, ayaan Magafe ka warwarayaa, in ILLAAHEY iga dulqaado, oo bulshada Muslimiintu culayska iga soo furtaan ayaan ALLE ka rajjeynayaa”.

Haddaba ciddii ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa, haka qayb qaadato in hooyadan ay ka farxiso, kana dulqaadato culayska haysta ee uu dul dhigay Magafuhu.

Walaal haddaba wixii awoodaada ah ugu dir telefoonkeeda gacanta ee 063-6918669, si aan qayb uga noqono in wiilkaasi uu ka baxo gacanta Magafaha.