Taliyaha Ciidanka Booliska oo Kulan Lagaga Hadlayay Nabadgelyada Dalka la Qaaatay Hoggaanada iyo Saraakiisha Ciidamada

0
99

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeyo gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa shalay shir lagaga hadlayay xaaladda nabadgalyo ee dalka la qaaatay Hoggaanada Ciidanka booliska, Taliye qaybeedada iyo Taliyayaasha Saldhigyada.

Shirkan taliyaha boolisku la qaatay saraakiisha Ciidamada booliska, Hoggaanada Ciidanka, Taliye qaybeedada iyo Taliyayaasha Saldhigyada ayaa waxa lagaga wada-hadlay xaalada nadgalyo ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa shaqooyinka muhiimka ah ee ay Ciidanka boolisku u hayaan bulshada.

Shirkan ayaa warbixin lagaga dhagaystay Taliyayaasha, Hoggaanada, Taliye qaybeedada iyo Taliyayaasha Saldhigyada.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa Hoggaanada, Saraakiisha iyo Taliyayaasha Saldhigyada kula dardaarmay inay laban-labaan shaqooyinka muhiimaka ah ee ay u hayaan bulshada