Farxadda Riyada Rumowda!

0
128

Wargeyska Daiy Mail  ee dalka Ingiriiska ka soo baxa ayaa daabacay islaan lagu magacaabo  Gladys Blackburn, oo Ingiriis ah dhalatayna sanadkii 1924 ay muddo qarni ku dhow ku riyoonaysay inay dayuurad maalin uun raacdo ilaa wakhtigii la bilaabay safarada duulimaadka hawada.

Islaanta aya wakhtiyada fasax sanadeedka ku safri jirtay gaadhi, waxa keliya ee ay arki jirtay dayuurado soo degaya iyo kuwo duulaya iyadoon mar keliyana raacin.

Markii ay arinkeeda ogaadeen shaqaalaha xaruntii daryeelka dadka waaweyn ee lagu xanaaneeyo jacaylka ay u qabto raacidda dayuuradda isada ay ugu hamiyaysay muddo dheer, waxay goosteen inay riyadaa u rumeeyaan, iyagoo xidhiidh la sameeyay shirkadda Easy jet iyo madaarka London.  Waxaana shaqaaluhu goosteen inay u keexeeyaan safar dalxiis goobta Lake Geneva.

 

Shirkadda duulimaadka ee Balackborg ayaa u diyaarisay tigidhka derejada koowaad iyadoo islaanta la sharafyo. Waxaana islaantu kala joojin weyday qosol iyo farxad markii ay dayuuradu duushay

Waxaana ya tidhi; “Hawada sare ayaan  duulayaa, wax kasta hoos ayaan u eegaya sidii aan moodayay wayba ka qurux badan yihiin”. Dadkii safarka u wehelinyay ayay u mahad celisay iyadoo faraxsan.