Bukaan Jarmal ah oo 217 jeer Covid 19 laga tallaalay

0
84

Nin 62 jir ah oo u dhashay Jarmalka ayaa si ka soo horjeeda talada caafimaadka, laga tallaalay 217 jeer Covid, sida ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Kiiskan yaabka leh waxa lagu diiwaangeliyay joornaalka cudurrada faafa ee Lancet .

Tallaabooyinka waxaa la iibsaday oo si gaar ah loo bixiyay 29 bilood gudahood.

Ninku wuxuu u muuqdaa in aanay wax dhibaato ah soo gaadhin, cilmi-baadhayaal ka tirsan jaamacadda Erlangen-Nuremberg ayaa sidaas leh.

Ninkan ayaa xiiseeya tallaalka sida uu sheegay Dr Kilian Schober, oo ka tirsan qaybta microbiology-ga ee jaamacadda Lancet. Waxa la mariyey shaybaadho sida ay baadhayaashu sheegeen, isla markaa dhiigna wuu bixiyey iyo candhuuf.

Tallaalada qaar waxa laga qaaday intii Jaamacadu baadhitaanka samaynaysay isaga ayaa codsaday sida uu sheegay Dr Schober.

Waxa uu yidhi “Waxaan awoodnay inaan isticmaalno shaybaarradan si aan u go’aamino sida saxda ah ee habka difaaca jirku uga falceliyo tallaalka.”

Cadeymaha Tallaalka,130 ka mid ah Irbadhaha ama jabsiyada waxaa aruuriyay xeer ilaaliyaha magaalada Magdeburg, kaas oo furay baadhitaan lagu soo oogay eedeymo wax isdaba marin ah, balse wax dambi ah laguma soo oogin.

Tallaalada Covid-ku ma keeni karaan caabuq laakiin waxay barayaan jirka sida loola dagaallamo cudurka.

Tallaalka mRNA) ee Covid waxay ku shaqeeyaan  nidaamka difaaca jirku inuu aqoonsado oo yaqaanaa sida loola dagaallamo Covid haddii ay si dhab ah ula kulmaan.

Dr Schober wuxuu ka walwalay kicinta habdhiska difaaca oo soo noqnoqota laga yaabo inay daaleen unugyada qaarkood.

Laakiin cilmi-baadhayaashu wax caddayn ah kama helin arrintan 62-jirka.

Mana jirin wax calaamad ah oo muujinaya inuu weligii ku dhacay Covid.

Tallaalka Covid waxay yeelan karaan waxyeelooyin. Waxaana ka mid ah cudud oo xannuun marka la mudayo iyo xumad.