Xildhibaan Rambo oo Deeqo Waxbarasho iyo Caafimaad Gaadhsiiyey Gobolka Hawd

0
68

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Maxamed  Xuseen  Jaamac  Raamboo  oo ka tirsan mudanayaashsa Golaha Wakiilada  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay deeq isugu jirta agab  Waxbarasho iyo Caafimaad gaadhsiiyey shan degmo oo ka mid ah gobolka Hawd.

Maxamed  Xuseen  Jaamac ayaa waxa deeqdan oo ka kooban  kuraasi iyo miisas dugsiyada degaamada  Cunoqabad iyo Gumburaha, waxaana uu ka qayb qaatay dhamaystirka  labo fasal oo cusub oo lagu kordhiyay dugsiga hoose dhexe  ee Magaalada Baligubadle.

Xildhibaanka oo ka hadlayay oo arimahaasi ayaa waxa uu yidh “Waxa aan soo maray magaalada Cunoqabad oo aan geeyay kuraasi iyo miisaan ay  ku fadhiisanayaan 45 Arday, waxa kale oo aan soo marnay Gumburaha oo aan geeyay kuraasi iyo miisaan ay ku fadhiisanayaan 45 arday. waxa kale oo aan soo marnay Magaalada Baligubadle oo  labo Fasal oo cusub  lagu kordhiyay dugsiga hoose dhexe oo aan saaray jiingadii  iyo siliig.

Sidoo kale deegaanka Gumar qalab Caafimaad iyo dawooyin ayaanu gaadhsiinay,  Balicabane gaadhigii Ambalaska ayaan kiciyay, waxaanan rajaynayaa in gaadhigaasi badbaadin doono hooyooyin badan oo Umalaya”.

Sidoo  kale  dadweynaha deegaamada uu Xildhibaanku soo gaadhsiiyay agabka Caafimaad iyo Waxbarasho ayaa uga mahadnaqay Xildhibaanka.