Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac ah oo ka Dhacay Dowga Sheekh

0
73

Sheekh -(Dawan)- Maamuulka degmada Sheekh ayaa ka hadlay khasaare ka dhashay baabuur nooca kuwa xaamilka qaada oo ku dhacay dowga sheekh kaasi oo sabaabay dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka ayaa sheegay in gaadhigan uu sida xoolo uu ku wadday dekedda Berbera islamarkaan uu ku rogmaday dowga taasi oo sababtay in ay ku dhaawacmaan laba qof oo mid yahay wadaha baabuurka iyo xoolo badan oo shilkaasi ku bakhtiyey.

“Adhi badan ayaa bakhtiyey, qaarna waan la gowracay , waddihii iyo kalkaaliyihiisi ayaa dhaawac soo gaadhay oo lagu dabiibayaa Cisbitaalka Sheekh, waxaanu gaadhigu xanibay isu socodkii gadiidka ee gobollada bariga iyo galbeedka dalka” ayuu yidhi maayar ku xigeenka degmada Sheekh

Maxmed Faarax Axmed ayaa sida kale ha’yadda wadooyinka Somaliland ugu baaqay in si degdeg ah wax uga qabto dayaca ka muuqda waddada waxana uu yidhi “Waddada dowgu aad ayey u jajaban tahay oo dayac badan ayaa ka jira markaa waxa aanu ha’yadda wadooyinka u sheegaynaa in dayac tir ku samayso annaga way naga awood badan tahay , baabuurtana waxa aan u sheegaynaa in ay feejignaan badan muujiyaan marka ay waddadan isticmalyaan “