Agaasimaha Cisbitaalka Berbera oo ka hadlay Xaalada Askartii ku Dhaawacmay Shilka Gaadhi

0
87

Qore Khadar M. Dhako

Berber a(Dawan) Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Berbera Jimcaale Cali Haybe ayaa ka hadlay askartii Ciidanka Booliska ee ku dhaawacantay shilkii gaadhi ee ka dhacay degmada Abdaal ee la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka Berbera.

Jimcaale Cali Haybe ayaa waxa uu sheegay in 42 Askari Ciidanka booliska ee ku dhaawacmay shilkaa gaadhi 23 ka mida loo qaaday Hargeysa 19 ka mida lagu dawaynayo Cisbitaalka Berbera.

Jimcaale Cali Haybe oo ka warbixinayay askarta Ciidanka Booliska ku dhaawacmay shilka gaadhi.Waxa uu yidhi”Waxa la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka guud ee Magaalada Berbera dhaawac tiro badan oo tiradoodu tahay 42 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.oo gaadhi kula dhacay degmada Abdaal dhaawacyadaasi way kala duwanaayeen 23 ka mida waxa loo qaaday Hargeysa, madaama Cisbitaalka Berbera aanu la hayn qalabada qaar,sida siitiigii istaanka 19 ka mida dhaawacyada adeeg wixii ay u baahnaayeen waxa loogu qabtay Cisbitaalka Berbera oo 19 ka mida dhaawacyada adeeg wixii ay u baahnaayeen waxa loogu qabtay Cisbitaalka Berbera oo loogu adeegayo. waxaana loo maareeyay sidii ugu wanaagsanayd,waxaana uga mahadnaqayaa Shaqaalaha Cisbitaalka Berbera sidii ay u maareeyeen dhaawacyada,”.