Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo u Kuurgalay Xaaladda Shaqo ee Cisbitaalka Burco

0
63

Qormadeena Koowaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeyska Dawan Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa, Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeer u kuurgal ah ku tagey Cisbitaalka wayn ee magaaladda Burco, iyo Cisitaalka maanka ee Maanka ee (maan-dhaye) halkaasi oo uu Agaasimuhu qiimayn ku samaynayay shaqada ka socota Cisbitaalada Burco iyo baahiyaha yaala si wax looga qabto.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku marayay qaar ka mid ah gobolada beriga, ayaa soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Ugu horayn Agaasimaha guud ayaa kulan balaadhan la qaatay maamulka caafimaadka ee Gobolka Togdheer oo uu ugu horeeyo Isuduwaha Caafimaadka Dr.Cabdicasiis Cumar Muuse iyo Agaasimaha Cisbitaalka Guud ee Burco, Dr.Cabdiraxmaan Warfaa, isagoo agaasimuhu ka dhagaytay Warbixin guud oo ku saabsan Xaalada Caafimaad ee gobolka.

 

Agaasimaha ayaa intaa kadib, kormeer ujeedkiisu yahay u kuurgelida habsami u socodka hawlaha shaqo ee cusbitaalka guud ee Burco, iyo cusbitaalka maanka Burco ee (Maan-dhaye) kusoo wada maray qaybaha kala duwan ee ay cisbitaaladu ka kooban yiihin iyo shaqada baaxada leh ee ka socota, isaga oo kulamo kala duwana la qaatay shaqaalaha ka hawl-gala labada cisbitaal.

 

Gebo’gabadii Agaasimaha guud oo ay weheliyaan Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka iyo Agaasimaha Cisbitaalka ayaa xadhiga ka jaray qaybta ICU ( intensive care unit) oo lagu soo kordhigayay cisbitaalka guud ee Magaalada Burco, taaso loogu talo galay in lagu baxnaaniyo, bukaanka ay xaaladiisu aadka u culustay ee u baahan taakulada degdega ah.