Weerarkii ugu horeeyey ee dhimasho geysta oo Xuutiyiintu u geysteen Markab ganacsi

0
88

Gantaalka Ballistic-ga ee lidka maraakiibta oo Arbacadii laga soo tuuray dhulka Xuutiyiinta ay maamulaan ee Yemen ayaa dilay saddex shaqaale ah 4 kalena dhaawacay kuwaas oo saarnaa markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka.

Waa weerarkii ugu horeeyay oo dhimasho ah oo ay geystaan ​​maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto tan iyo markii weerarka lagu qaaday marinka maraakiibta caalamiga ah uu bilowday badhtamihii bishii November. Waxa uu ahaa gantaalkii shanaad ee ay Xuutiyiintu ridaan muddo laba maalmood gudahood ah, ayuu yidhi CENTCOM.

Gantaalka Xuuthiyiinta ayaa ku dhacay Markabka weyn ee True Confidence oo laga leeyahay dalka Laybeeriya, wuxuuna uu siday calanka Jasiirada Barbados, waxaana uu dab ka kacay halka laga wado, sida ay saraakiisha difaaca u sheegeen VOA.

Afar ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu liidato, sida ay sheegtay CENTCOM. Weerarka ayaa ku qasbay 23-ka xubnood ee shaqaalaha caalamiga ah inay ka tagaan markabka, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca.

Filibiin ayaa Khamiistii sheegtay in laba ka mid ah dadka lagu dilay weerarka, halka laba kale oo u dhashay dalka Filibiina dhaawac ku jiraan.

In ka badan dersin maraakiib ganacsi ah ayaa waxaa saameeyay weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ama gantaalada tan iyo badhtamihii bishii November. Maraakiibtaasi ayaa waxaa ka mid ahaa markab shixnad gargaar ah siday oo ku sii jeeday Yemen, hal markab oo shixnad u siday Iran. Hal markab oo sidday walxaha bacrimin, MV Rubymar , oo isagu degay.

“Waxaan aragnaa khataraha ay u geystaan ​​hantida, nolosha, deegaanka ee deegaanka dhaqdhaqaaqyadan sii socda,” afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa Arbacadii sheegay. “Waxaan ugu baaqaynaa Xuutiyiinta inay joojiyaan dhammaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan badda cas.”

Isbaheysiga ku dhawaad ​​labaatan wadan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo Britain ayaa tan iyo badhtamihii bishii Janaayo ku howlanaa sidii gobolka looga badbaadin lahaa weerarada Xuutiyiinta.

Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa qaaday hawlgalo badan oo is biirsaday oo ka dhan ah Xuutiyiinta, waxa kale oo uu Maraykanku qaaday weeraro maalinle ah oo lagu qaadayo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta oo ay weheliyaan hub loo diyaariyay in la rido.

Mar ay VOA weydiisay talaadadii in ay jirto awood ciidan oo ku filan gobolka Badda Cas si loo joojiyo weerarrada, xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Major General Pat Ryder wuxuu sheegay in Maraykanku uu leeyahay “awood weyn oo horeba gobolka.”

“Laakin kaliya maahan Maraykanka Waxaan sii wadi doonaa inaan la shaqeyno xulafada iyo la-hawlgalayaasha, inta aan sii wadeyno inaan u baahanahay wax badan, hubaal waan la shaqeyn doonaa,” ayuu raaciyay.