Qisada Denbilayaashii Hurday!

0
103

Waxa laga yaabaa socodka ama hadalka iyo ficilka uu qofku sameeyo inta uu hurdo inay tahay mid qosol iyo cabsiba leh. Waxase jira in  dadka xanuunkan qabaa ay marar badan galaan denbiyo dilal ah iyagoo weli hurda oo samaynaya ficilo halis ah.

Dadka ficilada sameeyaa waxay qabaan xanuunka loo yaqaan Sarnama. Waan xanuun qofku isagoo hurda haddan toosiyo oo uu samaynayo arimo aanu ogayn sida dilal.

Taas waxaa sabab u ah dhowr arrimood, oo ay ku jiraan dareenka maskaxda sida walaaca iyo werwerka qofka haysta ka hor hurdada, waxa kale oo sababa unugyada maskaxda oo si khalad ah u shaqaynayay.

Culimada hurdada ayaa u qaybiyay shan qaybood, waxaana ay sheegeen in qofka ficiladan ku kacaa uu wakhtigaasi ku jiro qaybta ugu fog ee hurdada oo ah ta shanaad.

Xanuunkani wuxu ku badan yahay dadka caruurta ah iyo kuwa qaan gaadhka iyadoo sabab looga dhigay maskaxdooda oo aan weli si  buuxda u dhamaystirmin oo aan u adkaysan Karin arimo badan. Qisas badan ayay dadka qaba cudurkan sameeyeen waxaana ugu caansan oo la diiwaan geliyaya kuwan soo socda:

Dalka Maraykanka wiil yar oo 13 sano jiray ayaa hooyadii mar kasta u sheegi jiray inuu guriga ku arko dad isaga dilaya, iyo kuwo u hanjabaya.

Wiilkan ayaa habeen seexday isagoo Bunduqa aabihii yaallo meel u dhow. Subaxnimadii Bisha March 18, sanadkii 2009, hooyadii ayaa hurdada ka toosisay si uu tago dugsiga , waxaana ay ka codsatay inuu walaalkiina toosiyo inta ay quraacda u diyaarinayso. Markii ay madbakha gashay waxay ay maqashay dhowr rasaas ah oo dhacay, kuwaasi oo uu Daniel ku riday walaalkiisa ka yar oo 4 sano jiray laguna magacaabi jiray Olis  isagoo weli dhelelowsan, isagoo wiilka yar ee ay walaalha yihiin isla goobta ku  dhintay.

Markiiba haddan dhinaca madbakha ayuu u soo kacay isagoo hooyadii Maria Godino laba xabadood oo rasaas ah ku riday, taasi oo uu ku dhaawacay laakiin rasaastii oo ka dhamaatay awgeed. Markiiba Bunduqa ayu tuuray waxaan uu soo qaatay Mindi. Nasiib wanaag wakhtigaasi ayuu hurdada ka baraarugay oo hoyaadii dhaawac ah ka dul ooyay. Waxaana uu yidhi :” Hooyo waxaan la dagaalamayay shayaadiin  idilaysay”.

Wiilkan Daneil waxa xidhay booliiska oo baadhis ku sameeyay kiiskiisa, dhakhaatiirta aya cadaysay inuu qabo xanuunka Sarnam oo unugyo maskaxdiisa ah xidhiidh la leh. Makamadda ayaa ku xukuntay 5 sano xadhig oo jeel ku yaalla gobolka Colarado ee Maraykanka si loogu nasiyo dawona lagu siiyo madaama aanu gaadhin da’dii sharcigu qaban lahaa.

Riyooyinku waa dhacdooyin aan aan caqli gal ahayn aheyn, waxaana laga yaabaa in aad aragto kooxo kuu cago juglaynaya ama xayawaano ku soo weeraray sabab la’aan.

bishii January 11, sanadkii 2001 nin lagu magacaabo Antonio Nieto oo u dhashay dalka Spein da’diisu tahay 58 sano, ayaa isagoo hurda ku riyooday Shimbiro Goryo oo halis ah oo soo weeraray sida uu sheegay. Ninkaasi ayaa toosay oo Faash uu qaatay ku dhuftay gabadhiisa, oo haddana makhsinada kale ku dilay gabadh uu seedi u ah.

Booliiska ayaa xidhay Antonio Nieto, maxkamadda ayaa dhegaysatay markhaatiga caruurta uu dhalay , kuwaasi oo mid ka mid ahi uu sheegay in aabahood habeenkaasii uu diiday inay shidaan laydhka, hooyadiina uu gaadhsiiyay dhaawac halis taasi oo muujinaysa ayuu yidhi inuu u kasay oo dareenkiisu joogay. Inkasta oo Antonio Nieto ku dooday inuu riyo ku jiray, sidaa darteed waxa lagu xukumay 70 sano xadhig ah.

Maxkamaddu waxay tixgelisay duruufaha kiiska waxaana ay xukunka ku dartay in Odayga muddo 10 sano ee xukunkiisa ugu horeeya lagu hayo xarumaha dadka masxkada ka xanuunsaya iyo lagu ganaaxo lacag dhan 171,000 oo Euro oo loogu talagalay dhibbanayaasha uu weerarka u geystay. Waxa kale oo intaasi raacisay in aanu carruurtiisa uga soo dhowaan karin qiyaas dhan 500 mitir, si looga hortago inuu waxyeelo kale u geysto.   Qisaska kiiska xanuunadan ayaa aad u badan iyadoo kuwo is yeel yeelka ahin ku dhex jiraan.

Guud ahaan xanuunadan waxa sababa isku  buuqa, werwerka iyo qofka oo ka cabsada muuqaalo aanu arkayn taasi oo xidhiidh la leh unugyada maskaxda. Sidaa darteed waa in laga fogeeya dadka xanuunada nafsaaniga ah qaba  qalabka dilalka lagu geysan karo sida Midiyaha, faashka, iyo Bastoolada iyo dhamaan hubka kala duwan.