Mulkiilayaasha Wershadan waxaanu shuruud uga dhignay in Bacaha ay soo saarayaan ay noqdaan kuwo Carrada la fal-gelaya…”

0
67

Muddo hadda laga joogo sideed sanadood ayaa jamhuuriyadda Somaliland waxay mamnuucday in aan gebi ahaanba dalka laga isticmaali karri Bacaha kala duwan ee loo addeegsado in allaabooyinka lagu qaato.

Taasoo lagu sababeeyay in Bacdu ay dhibaatooyin aad u fara badan ku hayso xoolaha nool, iyo sidoo kale deegaankaba, si dhibaatadaasi wax looga qabto ayaa sanadkii 2015-kii madaxweynihii Somaliland ee  xiligaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu soo saaray digreeto lagu mamnuucayay in dalka laga isticmaali Karin, lagu na iibin Karin noocyadda kala duwan ee Bacaha.

Waxaana wakhtigaa la xidhay wershado dalka ku yaallay oo soo saari jiray Bacaha, tallaabadaasi oo lagu xaqiijinayay go’aanka ay xukuumadu ku mamnuucday joojinta Bacaha. Si loo hello wixii bulshadda loogu bedelayay Bacaha la joojiyay, waxay xukuumadii xiligaasi soo jeedisay in taa bedelkeedda la isticmaallo Bacaha aan dhibaatadda u lahayn deegaanka iyo xoolaha midnaba.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wershad soo saaraysa Bacaha carrada la fal-galla oo markii u horaysay laga hirgeliyay dalkan jamhuuriyadda Somaliland, taasoo uu xadhiga ka jaray madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici).

Wershadaasi oo magaceedda la yidhaahdo Bad-baado Deegaan, waxaa magaaladda Hargaysa ka hirgelisay shirkadda SOMBAGS, oo ay leeyihiin ganacsato muwaadiniin reer Somaliland ah, taasoo soo saaraysa Bacaha carrada la fal-galla, ee aan waxyeeladda u gaysan deegaanka, iyo duunyadaba.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa furitaanka wershadani ku tilmaantay dedaal dheer oo ay muddo soo wadeen in ay ka midho dhaliyeen, isla markaana ay aad ugu faraxsan yihiin wasaarad ahaan in la helay wershaddan soo saaraysa Bacaha carrada la fal-galla.

Waxaanay sheegtay wasiirku in xataa ka hor intii aanay wasiirka Deegaanka noqon in ay si weyn uga shaqaysay wax ka qabashadda dhibaatadda ay Bacdu ku hayso xoolaha, iyo deegaankaba, isla markaana ay baadhitaan qiimayn ah ku sameeyeen dhibka ay deegaanka ku hayaan laba wershadood oo ku yaalla tuuladda Dacar-budhuq ee barriga Hargaysa.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Maanta (15-kii bishan), anaga ka wasaarad ahaan farxad gaara ayay noo tahay, sababtoo ah halgan dheer oo aanu soo marnay ayaa maanta midho dhalay. Waxaana u mahad celinayaa cid kastoo nagala soo qayb qaadatay dedaalkaa faraha badan leh, ee mudadda dheer soo socday.

Markii aan wasiirka noqday ka hor dedaal badan ayaan geliyay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda Bacda, isla markaana Wershadda dacar-budhuq biyaha dooxa maraya in la baadho, waxa ku jira ee Sun ah, maadaama oo laba wershadood ay xagga sare ka eegaan, dadkii iyo tuuladiina ay xigaan xagga biyuhu u shubmaan. Berigaa khabiir ayaanu dibadda ka keenay oo biyaha dooxa Dacar-budhuq mara ah, iyadoona la soo cadeeyay in biyahaasi ay Sumaysan yihiin. Ilaa baarlamaanka, wasaaradda Caafimaadka maanu yaraysanin in wershahadaasi la xidho, ama sida wershadaha adduunku u shaqeeyaan laga dhigo”.

“Dhibaatadda Bacda sidii wax looga qaban lahaa muddo ayaan ku daba taagnaa. Laba sababood darteed ayaanan u daba taagnaa. In marka ay xooluhu Bacda cunaan, kadibna ay dadkii ayaa hilibkii xoolaha cunaya. Haddii aad tagtaan Kawaanka xoolaha lagu qallo, waxaad arkaysaa neefkii la qalay oo Bacdii uu cunay laga soo saaray.

Sanadkii 2015-kii ayaana la bilaabay sidii aynu Bacda u xakamayn lahayn, waana la mamnuucay. Kadib markii la mamnuucay Bacda, laba sanadood oo keliya ayay digreetadii madaxweynuhu u shaqaysay. Balse mudadaa wixii ka danbeeyay si aad ah ayay Bacuhu xuduudaha dalka uga soo gelayeen.

 

Intii danbe na maanu dedaal yarayn, oo waxaanu raadinaynay bal cid dalka keenta Wershad lagaga nasto Bacihii aynu mamnuucnay. Wershado cusub ayaa berigaa 2015-kii la xidhay, oo ay dad reer Somaliland ahi lahaayeen, waxa loo xidhayna waxay ahayd in la hello kuwo aynu ku bedelno.

Waxaa la keenay Bacda Marrada ah, ee ay hadda dukaamadda qaarkood isticmaalaan. Maadaama la keenay Wershad soo saaraysa Bacaha Carrada la fal-galla, oo aanu in muddo ah daba soconay helitaankeedda” ayay tidhi wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Baandare.

Wasiirku waxa kaloo ay ka sheekaysay tallaabooyinkii ay qaadeen kadib markii ay soo baxday digreetadii madaxweyne Siilaanyo, ee lagu mamnuucayay iibinta, isticmaalka, iyo ka ganacsiga Bacda, iyo sidoo kale marxaladihii ay soo martay hirgelinta wershadan cusub ee soo saaraysa Bacaha Carrada la fal-galla.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlaysayna waxay tidhi “Dad badan oo ganacsato ah ayaa noo yimid oo sheegay in ay Bacaha Carrada la fal-galla wadamadda dibadda ka keenayaan. Kadib waxaanu u gudbinay haayadda dhawrista Tayadda Somaliland, waxaana is keeni waayay qiimihii la soo siinayay, iyo Koontaynarkii cashuurtiisii oo qaali noqotay.

Markii ay mulkiileyaasha Wershadani noo yimaadeen, waxaanu u sheegnay shuruud ah in Bacaha ay soo saarayaan ay noqdaan kuwo Carrada la fal-gelaya, isla markaana ay muddo lix bilood ah ku baabayaan Bacuhu. Waxaanay ka keeneen wershadani dalka Ingiriiska, markii la keenay intii Ingiriisku aaminayay in wershad noocaas ah Afrika la geeyo, iyo intii ay Shahaadadda qaadanayeen waxay ku qaadatay muddo 8 bilood ah.

Imika markii Shahaadadda la siinayayna waxaanu ku xidhnay shuruud ah, waa in ay dalkoo dhan wada gaadhaan Bacaha aad soo saaraysaan. Balse haddii ay kala go’do ama ay dalka wada gaadhi waydo Bacaha ay soo saarayaan, taa looma baahna”.

Dhinaca kale wasiirku waxay sharaxday haayadaha dawladda ee leh masuuliyadda ilaalinta tayadda Bacaha ay wershadani soo saarayso, waxaanay wasiir Shukri Baandare, wacad ku martay in ay ka wasaarad ahaan ka go’an tahay ilaalinta wax kastoo dhibaato ku ah deegaanka.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ugu danbayn waxay bulshadda reer Somaliland u dirtay fariin ay ku boorinayso in ay deegaanka ilaaashaadaan, maadaama oo ay nolosheenu ku tiirsan tahay deegaanka.

“Masuuliyadda dabo galka hawshaasi waxaa marka koowaad iska leh dawladaha hoose, waxaana lab aka ah booliska, rugta ganacsiga ayaa saddex ka ah, haayadda Dhawrista Tayadu na waa in ay ilaaliso. Wasaaradda Deegaanka waxaa looga baahan yahay masuuliyad ah, in ay la socoto in wershadani ay soo saarto Baco caafimaad qaba, oo aanay dadku ka qaadin Kansar, in aad soo saartaan. Marnaba ma ogolaan doono in aad noo muusaysaan, ma shaqaynayso. Inta aan noolahay deegaanka wax kastoo wax yeelaya koow baan ka ahay cidda ilaalinaysa.

Bulshadda Somaliland na waxaan leeyahay, markaad ilmahaaga aanad ka daryeelaynin dhibaatadda Bacda, ee ka imanaysa Hilibka xoolaha Bacda cunay, idinka ayaa isugu wacan. Waxaanan idin leeyahay deegaanku waa nafteenna, aan wada ilaashano” ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland.