Qalalaasaha Haiti ee Budhcadu Waddo oo u diiday Ra’sal wasaaraha inuu dalka ku soo noqdo

0
76

Rasaas ayaa ka dhacaysay caasimada Haiti ee Port-au-Prince todobaadkan oo dhan dadka deegaankuna ay si quus ah ayay u raadsadeen gabaad xilli uu dalka ka maqan yahay Ra’iisal wasaarihii.

Xaaladaha bini’aadantinimo ayaa sii xumaanayey ka dib markii kooxaha hubaysan ay qalalaase baahsan ka sameeyeen dalkan Kariibiyaanka ee muddada dheer ay dhibaatadu ka jirtay. Kooxaha gargaarka iyo ururada aan dowliga ahayn ayaa ka digay gabaabsi dhanka saadka iyo cuntada ah.

Sida uu ku soo waramayo wariye AFP ka tirsan oo goobta ku sugan, rasaas ayaa laga maqlay caasimadda oo dhan dabayaaqadii Jimcihii, gaar ahaan degmooyinka Koonfur-galbeed ee Turgeau, Pacot, Lalue iyo Canape-Vert.

Dadka deegaanka oo baqdin qaba ayaa isku dayay inay gabaad galaan, iyada oo goob joogayaal ay u sheegeen wakaalada wararka ee AFP inay arkeen iska horimaadyo u dhexeeya “askar booliis iyo burcad” iyada oo kooxaha burcadda ah ay u muuqdaan inay isku dayeen inay qabsadaan saldhigyada booliiska ee badhtamaha magaalada.

Kooxahan dambiilayaasha ah, oo hore gacanta ugu hayay inta badan Port-au-Prince iyo sidoo kale waddooyinka gala dalka intiisa kale, ayaa maalmihii la soo dhaafay weeraray kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan laba xabsi, taas oo u ogolaatay inta badan 3,800 maxbuus inay baxsadaan.

Kooxahan burcadda ah oo ay weheliyaan qaar ka mid ah dadka Haiti ee caadiga ah ayaa doonaya in uu xilka iska casilo ra’iisul wasaare Ariel Henry oo lagu waday in uu xafiiska ka tago bishii February balse taa bedelkeeda ogolaadeen in heshiis awood qeybsi ay la galaan mucaaradka ilaa laga gaadhayo doorashooyin cusub.

Dowladdu waxay soo saartay xaalad degdeg ah oo socon doonta muddo bil ah gobolka galbeedka oo ay ku jirto caasimadda, waxayna soo saartay bandow habeenkii ah ilaa Isniinta.

Fabiola Sanon oo degan Port-au-Prince ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AFP in ninkeeda James oo 32 jir ah lagu dilay qalalaasaha. Goor hore ayuu soo toosi jiray si uu lacag ugu helo wiilkooda keliya ka hor inta aanu Skuulka geynin, ayay tidhi.

“James waligiis cidna iskuma dhicin,” Sanon ayaa yidhi. “Waa iibiyaha sigaarka fudud.”

Gegida dayuuradaha ee Haiti ayaa la xidhay, halka dekedda ugu weyn – oo ah isha ugu muhiimsan ee cuntada laga soo dejiyo loo geystay Bililiqo tan iyo markii ay joojisay adeegyadii Khamiista, in kasta oo dadaallo lagu sameeyay hareeraha amniga.

Ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa la tacaalaya inuu xukunka sii hayo isaga oo isku dayaya inuu dib ugu laabto dalkiisa, balse garoonka caalamiga ah ee ugu weyn dalkaas, ayey weerareen Budhcadu.

Henry wuxuu u muuqdaa inuu wajahayo xaalad cakiran iyada oo tiro sii kordheysa oo mas’uuliyiin ah ay ugu baaqayaan inuu is casilo.