Sanaag: Beeralayda Deegaanka Jiidali oo lagu Taageeray Qalab Muhiim u ah Wax soo-saarkooda

0
74

Ceerigaabo (Dawan) Wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Beeralayda deegaanka Jiidali ee gobolka Sanaag ku wareejisay qalabka Beeraha.

Isu-duwaha wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee gobolka Sanaag Axmed Maxamed Maxamuud oo socdaal shaqo ku tagay Jiidali, ayaa Beeralayda deegaankaas gaadhsiiyey Mishiinada Waraabka Beeraha, Tuumbooyinkoodii, Siidh iyo Sumaha lagula dagaalamo Xasharaadka waxyeeleeya Beeraha.

Sidoo kale, waxa Dayactir lagu sameeyay Ceel ay Beeralaydu ka cabto iyo Guri ay Beeralayda deegaankaasi dhigan doonaan qalabka laydhka Cadceedda ku shaqeeya (Sollar).

Sidoo kale waxa xusid mudan in Beeralayda deegaanka Jiidali loo sameeyay Taangiyo ay ku kaydsadaan Biyaha ay Beeraha ku waraabiyaan, iyadoo loogu taagay hab casri ah oo biyaha kaydka ahi si dhibco ah ugu da’ayaan Beeraha.

Beeralayda Jiidali, ayaa u mahad-celiyey Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo cid kasta oo door ka qaadatay qalabka lagu taageeray.

Wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, ayaa ahmiyada koowaad siisa horumarinta iyo niayad shisidda beeraleyda dalka, si ay kor ugu qaadaan wax-soo-saarka beerahooda, u qabashada tababaro kala duwan oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo ku taageerista agabyo ay ku shaqaystaan.